”Raalli baad ka ahayd!” – Eed fisqi ahayd oo loo haystey atirishada Shilpa Shetty oo go’aan laga gaarey (Maxaa dhexmaray iyada & Richard Gere?)

0

(Hadalsame) 26 Jan 2022 – Qalanjada Bollywood ee Shilpa Shetty ayaa lagu waayey eedo la xiriira ”fisqi” oo lagu dacweeyey 14-sanadood kahor kaddib markii uu jilaaga caanka ah ee Hollywood, Richard Gere, uu daanka dhowr mar ka dhunkaday xilli ay xiriirinaysey munaasabad wax loogu ururinayey dadka qaba AIDS.

Ms Shetty, oo hadda 46-jir ah, ayaa lagu eedeeyey inaysan iska celin xilligii munaasabaddan oo lagu qabtay Hindiya sanadkii 2007-kii.

Shilkan oo dhacay isla sanadkii ay Ms Shetty kasoo muuqatay barnaamijka fuxshiga badan ee Celebrity Big Brother, iyadoo keentay in jidadka Hindiya lagu gubo sawirrada labadan jilaa.

Shilpa ayaa deeto laga dacweeyey 3 maxkamadood oo kala duwan iyadoo ay Magistrate Ketki Chavan, oo fadhisa Maxkamadda Sare ee Mumbai supreme court, ay xukuntay in: ‘eedaha 3-da ah ee lagu soo oogey Shilpa Shetty aanu lahayn nuxur buuxa oo qancin kara eedda.’

Kooxaha muxaafidka ah ee diinta Hinduusimka ayaa hoggaaminayey dibedbaxyo rabshado watey oo xilligaa dhacay, iyagoo labada jilaa ku eedeeyey inay fisqi faafinayaan, waxaana raalli gelin bixiyey Mr Gere, waloow Ms Shetty ku adkaysatay in ay arrinta baraxa ka badinayaan qolyihii dibedbaxa dhigay.

Waxay deeto dacwad ka geeyeen Maxkamad ku taalla Rajasthan, iyadoo la tuuray eedihii Gere balse ay taagnaayeen kuwa Shilpa oo 2017-kii ay qarreennadeedu codsadeen in dacwaddeeda laga wareejiyo Rajasthan oo la geeyo Mumbai.

Hadalsame Media