Dad Itoobiyaan ah oo mar qura wareejinaya qoraal ku saabsan sida ay Somalia u arkaan & qorshaha mustaqbalka

0

(Hadalsame) 26 Jan 2022 – Waxaa Twitter-ka ka bilowday hashtag ka mid ah ololaha ”NoMore” oo ay muddaba wadeen dad iskugu jira Itoobiyaan iyo Eritrean, kuwaasoo soo qaata halkudhegyo ka dhan ah reer Galbeedka.

Haatan ayaa la bilaabay mid kale oo ku saabsan gobolka Bariga Afrika iyo sida ay Itoobiya damacsan tahay mustaqbalka dhow.

”Ethiopia waa qiimaysaa deriskeeda wayn: Eritrea, Somalia, Kenya, iyo Djibouti! Ethiopia way xallin doontaa arrimeheeda gudaha iyadoo dhigi doonta tusaale la wada arki doono! Maya faragelin dambe oo dibadeed. TPLF waa inay iska tagtaa.” ayuu u dhigan yahay qoraalka tweet-kan.

Waxaana lagu tag gareeyey Madaxtooyada Kenya iyo Prof Lamumba.

Tweet-kan ayaa waxaa mar qura haatan soo qaatay dadwayne aad u fara badan oo Itoobiyaan ah, iyagoo qaab agaasiman oo garba siman ah mar qura usoo geliyey.

Hadalsame Media