Cabasho ay qabaan Ciidanka Uganda ee AMISOM oo gaartey magaalada Kampala

0

(Hadalsame) 26 Jan 2022 – Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaan wax gunno ah helin 10-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Arrintan ayaa lagu soo hadal qaaday kulan shalay galab dhex maray Guddi-hoosaadka Difaaca ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo qaybta Arrimaha Ruug-cadaaga.

Koox uu hogaaminayo Jacob Oboth oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca ayaa ka soo hor muuqday Guddiga si ay u soo bandhigaan odoroska miisaaniyada sanad-maaliyadeedka 2022/2023.

Intii uu socday kulanka, xildhibaankan laga soo doortay koonfurta Bukanga, Stephen Kangwagye, ayaa wasaaradda ka codsaday in ay caddeyso wararka sheegaya in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) aysan wax mushaar ah qaadan muddo labo sano ah.

Hase yeeshee, Edith Buturo, oo ah ku Xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa ku gacan sayrtay wararka sheegaya in ciidamadan aan la siinin gunnooyinkooda muddo labo sano ah.

Taa beddelkeeda, ayay sheegtay inay dalbanayaan mushaharooyinka laga bilaabo Maarso 2021-ka, taasoo ka dhigan 10-bilood.

Uganda waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo askartooda u soo dira Soomaaliya, sidaas darteed waxay hormuud ka ahayd ciidamada AMISOM ee halkaa la geeyey bishii Maarso 2007.

Kuwaas oo dagaal kula jira malliishiyaadka al-Shabaab mas’uulna ka ah ilaalinta dowladda caalamku taageero ee Muqdisho. Wadamada kale ee ku jira AMISOM waa Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Djibouti.

Hadalsame Media