Masjid Soomaalidu leedahay oo ka qaybqaatay arrin ay ammaantay saxaafadda dal Galbeed ah (Dhegeyso)

0

(Borlänge) 25 Jan 2022 – Xaafadda Stjärna Ängar ee Borlänge ayaa waxaa aad u korodhay boqolleeyda dadka ista tallaalaya cudurka Covid-19, taasoo kasoo kacday 49% islamarkaana gaadhey 67% marka ay timaado dadka qaatay ugu yaraan hal kuuro, sida uu dhamaadkii bishii hore ee Diseembar faafiyey hilinka SVT.

Waxaa isla warbixintaa lagu sheegay in arrinta kororka ay gacan baraarujineed ka gaysteen dhinacyo ay kala duwan oo ku sugan Borlänge sida dugsiyada SFI-ga, ururrada magaalada ka jira iyo xitaa masjid maxalli ah.

Haddaba, si aannu arrintaa wax uga ogaanno waxaannu arrintan wax ka waydiinney Sh. Cabdiraxmaan Xasan oo ah Imaamka Masjidul Raxmah, & Dr Cabdullaahi Warsame Afrax kaaso oo ka howlgala xarun caafimaad oo ku taalla Borlänge.

Hadalsame Media