Danjiraha cusub ee Maraykanka oo Muqdisho gaarey & arrin uu diiradda saarayo oo la shaaciyey

0

(Muqdisho) 24 Jan 2022 – Danjiraha cusub ee Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya, Larry André, ayaa maanta oo Isniin ah soo gaarey magaalada Muqdisho, halkaasoo uu hadda la wareegayo howsha safiirkii saddexaad tan iyo markii Maraykanka uu si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Soomaaliya sanadkii 2013-kii.

Danjire Andre ayaa subaxnimadii Isniinta ka soo degey garoonka Aadan Cadde, waxaana ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday imaatinka diblomaasiga cusub.

“Waan ku faraxsan nahay inaan ku dhawaaqno imaatinka danjire Larry André. Waxa uu aad u jecel yahay in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo Maamul-goboleedkooda iyo Dowladda Federaalka ah si loo horumariyo ujeeddada aan wadaagno ee ah dib u soo nooleynta Soomaaliya oo ah dal sugan, barwaaqo ah, oo dimoqraadi ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda.

Danjire Larry André ayaa ilaa markii Soomaaliya loosoo magacaabayay ahaa Dafiirka Maraykanka u fadhiya Jabuuti horayna u joogay Mauritania.

Wuxuu bedelayaa Danjire Donald Yamamoto oo uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Hadalsame Media