”Hadda codeeya!” – Iiraan oo dib u heleysa codkeedii QM kaddib markii ay qaaraankii ka bixisay South Korea (Arag yaabka arrintan ku jira)

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – Iiraan ayaa lagu wadaa inay dib u hesho codkeeda Golaha Guud ee QM oo ay ku jiraan 193-dal, kaddib markii ay South Korea bixisay qaaraankii lagu lahaa Tehraan iyadoo adeegsanaysa lacag laga xayiray isla Iiraan oo ay iyadu hayso.

Iiraan ayaa sidan oo kale xaqeeda codaynta dib u heshay bishii Juun 2021, balse bishii hore ayay Iiraan sheegtay inaysan qaaraanka QM bixin karin kaddib markii la xayiray lacagteedii.

Si loosii daayo lacagta xayiran waa in lala tashadaa Maraykanka, iyadoo ay Seoul lacagtan bixisay shalay galab taasoo gaaraysa $18 milyan oo doollar oo ka mid ah $7 bilyan oo Iiraan uga xayiran bankiyada South Korea cunaqabataynta Maraykanka darteed, iyadoo arrintan ogaysiiyey Waaxda la Socoshada Hantida Qalaad ee ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka iyo Xafiiska Xoghaynta QM, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda South Korea.

“Xaqa Iiraan ee codaynta Golaha Guud ee QM ayaa lagu wadaa in dhaqse loosoo celiyo kaddib lacag bixintan.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda.

Hadalsame Media