Mario Balotelli oo la hadal hayo inuu kusoo noqonayo Xulka Talyaaniga & bandhig wanaagsan oo uu galabta sameeyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 22 Jan 2022 – Mario Balotelli ayaa la sheegayaa inuu macallin Roberto Mancini dib ugu yeeri doono Xulka Talyaaniga oo iskugu imanaya Coverciano todobaadka soo aaddan.

Ujeedka kulankan ayaa ah fursad uu Mancini ku doonayo inuu kusii diyaariyo xulkiisa oo bisha Maarso kulan kala bax ah ciyaaraya si uu ugu soo baxo KA2022 ee Qadar.

Balo oo 31-jir ah ayaase hadalhayntan oo haddii ay dhabowdo noqonaysa markii ugu horreeysey ee uu muddo 3 sanadood ah xulka kasoo muuqdo gool kusoo dhoweeyey.

Balo oo bedel kusoo galay kulankii kooxdiisu Adana Demirspor ay 5-0 dirtay Fatih Karagumrukayaa ayaa muddo 8 daqiiqo ah goolna dhaliyey midna u dhigay Yunus Akgun.

SuperMario oo Turkiga ka dheela ayaa muuqaalka soo dhigay boggiisa Instagram.

Hadalsame Media