Dalal badan oo reer Galbeed oo durba wada hadal la furay dal Muslim ah oo ay kaalmo ka rabaan haddii uu Ruushku….

0

(Hadalsame) 22 Jan 2022 – Midowga Yurub ayaa durba bilaabay wada xaajood ay la wadaan dalka Qadar si ay gaas uga helaan haddii uu lacalla Ruushku weerar ku qaado Ukraine.

Dalalka Midowga Yurub (EU) ayaa ku tiirsan gaaska dabiiciga ah ee Ruushka oo ay ka helaan xaddi ka badan 1/3 ama 3 meelood oo hal meel.

Ruushka ayaa haatan ciidan kor u dhaafaya 100,000 oo askari ku daabulay xadka uu la leeyahay Ukraine oo uu 2014-kii qayb ka goostay, iyadoo ay sirdoonka iyo saxaafadda Galbeedku sheegayaan inuu xitaa kuba duuli karo.

Maraykanka iyo EU ayaa ku gooddiyey cunaqabatayn ba’an oo ka dhan ah Ruushka haddii uu lacalla weerar qaado, balse Ruushka ayaa beeniyey inuu wax weerar ah la damacsan yahay Kiev.

Hadalsame Media