3-da dhinac ee ay eeddu ka saaran tahay jahawareerka doorashada Somalia (Mid Rooble la gudboon hadda)

0

(Muqdisho) 21 Jan 2022 – Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Senatar Cabdi Cismaaciil Samatar, sidoo kale Boqor Buur Madow ayaa ku baaqay in la hakiyo Jadwalka Doorashada Xildhibaannada Woqooyiga iyagoo ku doodaya in la boobayo.

Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen RW Rooble oo ay ku eedeeyeen inuu dhinac marayo hab-raacii doorashada iyo dadkii ay taladu ka go’dey, iyagoo ku tilmaamay mid ay wax la walaaqayaan dad kale iyo inuu yahay ”kud ka guur oo qanje u guur.”

Haddaba, bal aan is dul taagno sida mas’uuliyadda loo kala leeyahay. Horta waxaa hubaal ah oo uu qof kasta oo Soomaali ah oo ay in yar oo dux ihi ku jirto dan gaar ahna aan cayrsanayni garan karaan sida loo nah iyo nuxur tiray doorashada Somalia haatan ka soconaysa.

Yeelkeede, arrintan looma wajahayo in si jeeddo ah oo aan leexleexad lahayn loo xalliyee waa doorsasho ninba qaylinayo marka ay qaniinto laakiin uu qoslayo marka uu isagu xigta qaadanayo.

Haddaba, ayno eegno sida khaladka loo kala leeyahay annagoo qofba taagtii fallaarta ugu tegsiinayna:

1 – Eedda ugu wayn waxaa iska leh MW DF Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo runtii gabay ballantiina uga baxay qof kasta oo aaminsanaa inuu yahay hoggaamiye dalka cirka uga soo dhacay oo dayax lagu raadinayey.

Marka laga yimaado inuu Farmaajo hal mar 180 digrii wareegey, sidoo kalena waa isaga qofka bilaabay hebel wadashada qaawan, kursi xirashada iyo weliba tan ugu daran oo ah in qof looba diido inuu tartamo, wax kaleba daayoo. Sidaas waxaa eedda 1-aad ku leh Farmaajo oo ah ninka ay aabbe leedahay qaab darrada maanta ay wax ku socdaan iyo natiijo kasta oo ka dhalata.

2 – Waxaa eedda 2-aad iska leh RW Rooble anigoon xitaa raacaynin eedaha ay jeedinayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta woqooyigu, wuxuu Rooble horay u gabay inuu muujiyo door hoggaamineed oo firfircoon, la isku hallayn karo, moowduuci ah islamarkaana ka madax bannaan MW Farmaajo oo isaga howshan laga wareejiyey kaddib qaaquulladii Abriil 2021-kii, si ay doorashadu ugu dhacdo si hufan, daah-furan lana aamini karo.

Si kastaba, kaddib dhowr khilaaf waxaa 9-kii bishan markale lagu heshiiyey in doorashada iyo ammaankeeda loo daayo isla RW Rooble kaddib heshiis ay kasoo qaybgaleen Maamullada oo ay kasoo bexeen 18 qodob, ha yeeshee, weli waxaa muuqata in Rooble hanan la’yahay la wareegista xilkiisa, isagoo weli sixi kara khaladaadka iyo habacsanaanta muuqata balse u baahan inuu ku dhac iyo karti muujiyo oo bannaanka iska mariyo cid kasta oo hoggaamintiisa cilladaynaysa kuwaasoo ay ku jiraan kuwa wax la walaaqaya oo aanay hadhow mas’uuliyaddu iyaga ku dhici doonin.

Rooblow waxaad tahay siyaasi da’ yar oo mustaqbal fiican ku yeelan kara hoggaaminta Somalia oo berraad xitaa madaxwayne noqon kartaa ama markale raysal wasaare ee yaysan rag horay u fashilmay adiga kula degin oo kaarka kaa gubin. Waa talo gaar ah.

3 – Eedda 3-aad waxaa iska leh dhinacyada marna wax soo dhoweeynaya marna wax dhaliilaya ha noqdeen Midowga Musharrixiinta, Bulshada Rayidka, Beesha Caalamka oo loo kala dacwoonayo sidii inay iyadu dal uu dadkiisii gabay dan ka leedahay ama xitaa kuwa ka qaybgelaya doorashada sida qaar ka mid ah raggii maanta shirka jaraa’id qabtay.

Waa dhab in doorashada aqallada DF Somalia ay qalalaase xun ku jirto islamarkaana ay ku socoto meermeerto dilaysa sharciyaddeeda iyo milgeheeda guud, dhibka jirase waa in aanay dadku diidanayn sharci darrada socota si ahaan, gaar ahaan marka ay dani ku jirto, balse uu qof kasta hadlayo marka ay isaga ka hor timaado.

Tusaale ahaan, siyaasiyiinta reer woqooyiga ee maanta qayliyey ayaan ka hadlin qaabkii loo doortay Aqalka Sare oo ay ka muuqatey in si wayn wax loo musuqayo, iyadoo ay dadka qaar doorteen dad wejiyada qarsanaya, halka la arkayey qof dadka codaynaya la socda oo tusaya wax loo qaatay cidda ay u codaynayaan.

Cabdi Xaashi ayaa xitaa gaarey heer uu aqbalo in kursi kaligii loo xiro, waloow markii dambe qof malxiis ah loo keenay, taasoo aan wax badan dhaamin xiritaankii, sidaa darteed, doorashadu ku saxmi mayso sida uu hebel dan lihi saxnimada u arko kuna khaldami mayso marka uu sida uu doonayo waayee, waa in la helaa hab-raac lagu dhisay mas’uuliyad ilaalin kasta dhammaanba danaha guud iyadoo wax loo maaraynayo si cadaalad ah oo aan cid gaar ah caawinaynin cid gaar ahna cawaraynin, si dalka looga badbaadiyo haadaanta ay hoggaan xumadu gayaysiisey.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media