Kaalmo muhim u ah haweenka Soomaalida oo kusii yaraanaysa Sweden (Daawo)

0

(Hadalsame) 19 Jan 2022 – Haweenka Sweden looga yaqaan Kulturdoulan waxay xilliga uurka iyo fooshaba ka caawiyaan haweenka aan luuqadda aqoonin, waxaana ka mid ah Sahra oo dhanka afka ka kaalmayn jirtay haweenka Soomaaliyeed.

Ha yeeshee, kaalmadan ayaan laga helin gobol kasta oo Sweden ka tirsan, iyadoo ku kooban 6 ka mid ah 21 gobol oo dalka ah, sida lagu ogaadey warbixin cusub.

Sahra Ibraahim oo 6 carruur ah leh ayaa Sweden kasoo gashay dhanka Somalia iyada oo 17-jir ahayd waxayna ka mid ah tahay haweenkii ugu horreeyey ee kaalmadan ka bixiya Gobolka Västerbotten.

Waxay caawisay in ka badan 30 haween ah oo ay xitaa u raacday isbitaalka xilliga foosha, iyadoo daraasad la sameeyey lagu ogaadey in afka oo aanay aqoonin ay marar badan haweenka anjabiga ah ku keento dhaawacyo gaara xilliga foosha.

Gobollka Sörmland oo horay adeeggan u lahaa ayaa hataan gebi ahaanba joojiyey. Halkan hoose ka daawo warbixinta.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media