Siyaasigii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo ka jawaabey moowqifka Britain ee midnimada Somalia

0

(London) 18 Jan 2022 – Wasiiradda Arrimaha Afrika ee Britain ee Vicky Ford ayaa markale caddaysay moowqifka UK ee ku aaddan arrimaha Somalia iyo aqoonsiga ay raadinayso Somaliland.

Wasiirad Vicky ayaa ku celisey moowqif ay taagnayd bil kahor oo ku saabsanaa inaysan UK go’aamin karin aayaha Somalila haddii ay midoobayso & haddii ay kala tegeysana ay iyada uun ku xirraan doonto.

Haddaba siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa ka jawaab celiyey hadalka Wasiiradda Vicky, isagoo xusay inay qaadatay moowqifka saxda ah.

”Waa moowqifka saxda ah in Dowladda UK ay xushmayso madaxbannaanida iyo midnimada gayi ee  Somalia. Waa mid u dhaxaysa dadka Soomaaliyeed inay guddoonsadaan nooca dowladeed ee ay doonayaan iyo sida ay u rabaan.” ayuu yiri Cali Xaaji.

Si kastaba, dad badan oo reer woqooyi ah ayaa ku doodaya in koonfurta Somalia lafteeda ayaa looga baahan yahay inay la timaado midnimo dhab ka ah kahor inta aan la gaarin Somaliland.

Hadalsame Media