Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay sida ay u aragto doodda ku saabsan Somaliland & moowqifkeeda Somalia

0

(London) 18 Jan 2022 – Wasiiradda Arrimaha Afrika ee Britain ee Vicky Ford ayaa markale caddaysay moowqifka UK ee ku aaddan arrimaha Somalia iyo aqoonsiga ay raadinayso Somaliland.

Wasiiradda oo maanta khadka telefoonka kula hadashay Wasiir Dibadeedka & Iskaashiga Caalamiga ah ee DF Somalia, ayaa soo hadal qaadday dood ay Aqalka Hoose ee Baarlamanka UK ay ka yeelanayaan aqoonsiga Somaliland.

”Doodda la iskugu yeerey Baarlamanka UK wuxuu waafaqsan yahay moowqifka Dowladda UK ay ka taagan tahay Somaliland,” ayay ku bilowday war kooban oo ay soo dhigtay Twitter.

Wasiiradda oo sii sharraxaysa moowqifka ayaa raacisay: ”Waa midka ah in DF Somalia & Somaliland ay iyagu go’aan ka gaaraan aayohooda mustaqbalka. Waxaannu annagu sii wadaynaa in aannu xiriir iyo iskaashi la samayno DF Somalia & Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dimoqraadiyadda, ammaanka iyo horumarka.” ayay raacisay.

Wasiirkan UK u qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa bishii Nofeembar 2021 waxa ay sidan oo kale u sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo qura marka ay aqoonsadaan waddamada Afrika gaar ahaan Midowga Afrika oo ay iyaguna diyaar u yihiin markaas.

Hadalsame Media