XOG: DP World oo laga cayrin rabo Dekedda Boosaaso (MW Deni oo 5 qodob oo muhim ah aqbalay)

0

(Boosaaso) 17 Jan 2022 – Ilo wareedyo kala duwan oo ka imanaya dhanka Puntland ayaa xaqiijinaya in MW Deni uu go’aansaday aqbalidda go’aankii ugu dambeeyey ee isimadu kasoo sareen xaaladda Boosaaso, sida uu sheegayo weriye Faarax Cabdulqaadir Maxamed oo aad ugu dhuun daloola xogaha Puntland.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in MW Deni uu qorsheynayo in uu safar ku tago magaaladaasi, isagoo doonaya in uu iska dejiyo xiisadda maxalliga ah waqtigan lagu jiro doorashada iyo kala guurka heer federaal.

MUXUU AQBALAYAA? Go’aankii isimadda ee u dambeeyey waxaa qayb ka ahaa:

1 – In wareegtadii Siciid Deni laga laabto.

2 – In PSF uu sii hogaamiyo Jen, Maxamuud Cismaan Diyaano.

3 – In shirkadda DP World halkaa laga cayriyo.

4 – In 17% saami la’eg dhaqaalaha kasoo xarooda Dekeda loo qoondeeyo Horumarinta Boosaaso.

5 – In guddiga maamulayaa noqdaan kuwa ay isimaddu soo magacaabaan oo lagu kalsoonan karro.

Hadalsame Media

Facebook Comments