Wax badan ka ogow sababta ay ”Carmasha Caddaanka” ihi uga carartay dalka Somalia

0

(Hadalsame) 17 Jan 2022 – Haweeneyda argagixisannimada ku eedeysan ee loogu doon doonista badan yahay caalamka oo dhan, Samantha Lewthwaite oo dunida looga garan ogyahay (White Widow – Carmalida Caddaanka ah) ayaa la soo tebiyay in ay Soomaaliya ka carartay kaddib markii uu furay ninkeedii Soomaaliga ahaa, sida ay ku warameen qaar ka mid ah warbaahinta UK iyo Kenya.

Gabadhan waqtiga dheer baxsadka ahayd ayaa Soomaaliya ku sugneyd muddo toddobo sano ah.

Warbixin ay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka UK, oo uu ku jiro Daily Mirror ayaa lagu sheegay in Samantha Lewthwaite ay mar kale baxsad tahay kaddib markii ay kala tageen hoggaamiye ka tirsan kooxda al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Xasan Macallim Ibraahim.

Markii ay kala tageen ninkii qabay, iyadoo weli ku sugan Soomaaliya, ayay Lewthwaite, oo ku jirta liiska dadka loogu raadinta badan yahay caalamka, weysay xuquuqdii ilaalinta ee ay ku heysatay dhulka howdka ah ee ay ku sugnayd.

“Iyada iyo Sheekh Xasan xiriirkoodii wuu soo afjarmay – waxaa la aaminsan yahay inay is fureen. Qoyskiisa ayay ka heysan jirtay ilaalo inta ay ku sugneyd dhulka aan la geli karin ee ku yaalla Soomaaliya.

“Balse hadda ma jirto cid soo dhaweyneysa, waxayna dib ugu laabatay deegaannada ay al-Qaacida maamulaan ee ku yaalla waddanka Yemen. Waxa ay halkaas ku tagtay doon,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeysyada oo lagu soo xigtay saraakiil amni oo Soomaali ah.

Lewthwaite waxay qaadatay diinta Islaamka markii ay dhammeysay waxbarashada heerka A-Level

Lewthwaite waxay qaadatay diinta Islaamka markii ay dhammeysay waxbarashada heerka A-Level

Haweeneydan caanka ku ah naaneysta “White Widow” ayaa la rumeysan yahay inay ku dhuumatay dhul buuraley ah kaddib markii ay kala tageen seygeeda, ayna nafteeda khatar soo wajahday.

Lewthwaite waxay ahaan jirtay xaaska nin ismiidaamiye ahaa oo lagu magacaabi jiray Germaine Lindsay, kaasoo 26 ruux ku dilay qarax uu isku rakibay oo UK ka dhacay bishii July ee sanadkii 2005-tii.

Markii dambe, sanadkii 2009-kii waxa ay u carartay waddanka Koonfur Afrika, dalka Tanzania ayayna usii gudubtay 2011-kii, halkaasoo ay kasii aadday magaalada Mombasa ee waddanka Kenya oo ay in muddo ah ku dhuumaneysay.

Guurkeeda ugu dambeeyay ee lagu tilmaamay midka ay la wadaagtay ninka Soomaaliga ah waxa uu ahaa kii afaraad ee ay soo martay.

Bishii November ee sanadkii 2021-kii, laamaha amniga ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Samantha ay ka baxsatay Afrika, ayna gashay Yemen.

Xog laga soo helay laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay in ay adag tahay sida lagu helo macluumaadka ku saabsan goobta ay hadda ku sugan tahay maadaama ay yar yihiin dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada reer Galbeedka ka sameyn karaan gudaha dalka Yemen.

“Goobta ugu dambeysa ee lagu og yahay Lewthwaite waa Yemen. Balse in xog sirdoon laga helo halkaas waxa ay u adagtahay si la mid ah sida ay u adkeyd markii Suuriya ay awoodda ugu sarreysa ku lahaayeen kooxda IS.

“Ma jiraan ciidamo reer Galbeed ah oo galaangal wax ku ool ah ku leh Yemen sababtoo ah aad bay khatar u tahay. Inkastoo aan wax caddeyn ah la heyninna, waxaa la maleynayaa in ay nooshahay haweeneydan ayna taageero ka hesato kooxo xag jiriin ah,” ayaa lagu yiri warbixinta laga soo xigtay laamaha amniga.

Muddo dheer ayaa la doon doonayaa haweeneydan oo ku eedeysan falal argagixisannimo

Muddo dheer ayaa la doon doonayaa haweeneydan oo ku eedeysan falal argagixisannimo

Intii ay ku sugneyd dalka Kenya, Lewthwaite waxaa lagu eedeeyay inay maalgelisay dad lala xiriiriyay kooxda al-Shabaab ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay kaalin ku lahayd weerarkii lagu fuliyay suuqa laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013-kii, kaasoo lagu dilay 68 ruux.

Sanadkii 2014-kii, mid ka mid ah dambi baareyaasha dalka Kenya ayaa sheegay in ‘Carmalida Cas’ ay iska qarisay askarta – xitaa iyagoo tagay guri ay ku nooleyd oo ku yaalla Mombasa, maadaama ay u fududdahay inay qof kale isku ekeysiiso, sida uu sheegay wargeyska.

Samantha Lewthwaite (Carmalida Cad)

Samantha Lewthwaite waa Haweeney u dhalatay dalka Britain, waxaana la sheegay inay madax u ahayd 200 oo haween ah oo ka tirsan Sirdoonka Al-shabaab, sida ay qoreen qara ka tirsan warbaahinta caalamka.

Lewthwaite, oo loo garanayo Carmalada Cad, ayaa ahayd haweeney garoob ah oo qayb ka ahayd weerarkii argagaxiso ee ka dhacay London ee loo yaqaanno 7/7, iyadoo xilligaasna ahayd xubin ka mid ah sirdoonka Al-shabaab.

Seygeedii ugu horreeyay, Germaine Lindsay, wuxuu 2005 isku qarxiyay tareen ka dhex shaqeeya London, wuxuuna dilay 52 qof, boqollaal kalena way ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, waxaa la sheeegay in ay Carmalada cad ka dambeysay weerarro lagu dilay 400 oo qof oo ay ku jiraan 148 ruux oo lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya, sannadkii 2015.

Waxay sidoo kale ay qayb ka ahayd weerarkii Westgate ee dalka Kenya ka dhacay sannadkii 2013-ki.

Samantha Lewthwaite ayaa haweenka Al-shabaab waxay ugu yeeraan “Hooyada Jihaadka”.

Dhowr weerar oo Al-shabaab ka fuliyeen Soomaaliya gaarahaanna Muqdisho ayaa la sheegay inay qayb ka ahayd abaabulkooda.

Samantha ayaa ka mid ahayd ajaanibta ka timid dibadda ee ku biirtay Al-shabaab.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media