SAWIRRO: Safaarad ay Somalia ku leedahay dalka Afrikaan oo aad loo qurxiyey & eedo loo jeediyo….

0

(Hadalsame) 17 Jan 2022 – Waxaa si wanaagsan loo habeeyey Safaaradda Somalia ee caasimadda Uganda ee Kampala, taasoo ka mid ah Safaaradaha ugu dhulka ballaaran ee jira.

Safaaradda ayaa lagu sameeyey dayactir ballaaran oo gees ka gees ah iyadoo wax wanaagsan laga qabtay meelo badan oo ay ka gabowdey.

Safaaradda Somalia ee Uganda ayaa waxaa halkaa haatan ku metela Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Yeelkeede, guud ahaan Safaaradaha kooban ee ay Somalia haatan ku kala leedahay daafaha caalamka ayaa aad loogu dhaliilaa inaysan adeeg micne leh u qabanin shacabka Soomaaliyeed, mararka qaarna ayba dhacdo in ay ula dhaqmaan qaab dhiig-miirad ah oo damqashada iyo anshaxa insaanka ka maran.

Hadalsame Media