Kaddib daroonkii wershadda nukliyeerka markab dagaal oo Ruush ah oo lagu arkay xeebaha Sweden (VOA oo ka waraysatay Tifaftiraha Hadalsame)

0

(Hadalsame) 17 Jan 2022 – Waxaa dalka Sweden meel ay ku taallo wershada kuwa soo saara tamarta nukliyeerka ah lagu dul arkay daroon halkaa heehaabaya, iyadoo ay booliisku ku cayrsadeen dayuurad qumaati u kacda, balse markiiba waayey, sida ay sheegtay Petra Blomkvist, afhayeenka booliis-qaybeedka bartamaha dalka.

Waxaa daroonkan sidoo kale shalay laga soo sheegay wershado kale oo kuwa nukliyeerka ah oo ku yaalla magaalooyinka Ringhals iyo Oskarshamn, sida ay sheegeen shaqaaluhu, waloow aanu booliisku waxba arag. Markab la sheegay inuu Ruushku leeyahay ayaa isna laga sheegay badda Baltic-ga.

Waxaa sidoo kale markab dagaal oo Ruush ah lagu arkay isla Badda Baaltigga iyadoo ay xiisaddu haatan kacsan tahay.

WAR CUSUB: Wararkii ugu dambeeyay ee haatan soo dhacay ayaa sheegaya in markabka Ruushka ah ay la socdaan kuwa kale waxayna haatan muujiyeen inay ka baxayaan Badda Baaltigga.

Tifaftiraha Hadalsame Media ayaa arrimahan uga warramay Idaacadda VOA.

BALTIYSK, RUSSIA – JULY 28, 2019: The Korolev large landing ship takes part in a military parade on Russian Navy Day. Vitaly Nevar/TASS
Ðîññèÿ. Áàëòèéñê. Áîëüøîé äåñàíòíûé êîðàáëü “Êîðîëåâ” âî âðåìÿ âîåííî-ìîðñêîãî ïàðàäà â ÷åñòü Äíÿ Âîåííî-Ìîðñêîãî Ôëîòà Ðîññèè. Âèòàëèé Íåâàð/ÒÀÑÑ

Hadalsame Media