Jawaab uu bixiyey Wasiir ka tirsan Somaliland oo sii kordhisey tuhunka ku saabsan Itoobiya & Saylac (Daawo)

0

(Hargaysa) 17 Jan 2022 – Waxaa soo baxayey warar ku saabsan in Itoobiya ay doonayso inay la wareegto oo ugu yaraan iyadu maamusho dekedo ku yaalla dalka Somalia oo ay haatan kala googooyeen siyaasado aan micne badan xambaarsanayn.

Waxaa dekedahaa ka tirsan mid laga sameeyn karo magaalada taariikhiga ah ee Saylac oo ka tirsan Gobolka Awdal oo ay Itoobiya taariikhiyan marar badan ku taamaysey cahdiyadii dhexena ay xitaa mar qabsatay balse laga xoreeyey.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaana waxaa la hordhigay su’aal ku saabsan arrintaasi iyo mowqifka Somaliland ay ka taagan tahay dekeddaasi iyo war sheegaya inuu MW Somaliland arrintan lasoo qaaday Itoobiya.

Wasiir Koore ayaase su’aashaa ka caroosey isagoo weriyihii waydiiyey ku af jigey in uu caddayn hayo. ”Wax ay dadku kaa dhegeystaan ku hadal” ayuu Koore ku gaabsaday isagoo weeraraya weriyaha.

Waxaa horay u jirtey heshiisyo uu inta badan si kaligii ah u galay MW DF Somalia oo ay ku jireen tibxo dadka tuhun geliyey, kuwaasoo aan baarlaman la marsiinin cid xog badan ka haysaana aanay jirin kuna saabsan dekedo la yiri ”waxaa maalgashanaysa Itoobiya oo ilaa 4 ah.”

Hadalsame Media