Garoonka Dayuuradaha Abuu Dabeey oo daroon lagu weeraray (Dhimasho jirta)

0

(Abuu Dabeey) 17 Jan 2022 – Fallaagada reer Yaman ee Xuutiga loo yaqaan ayaa la sheegayaa inay weerar ku qaadeen bartilmaameed ku yaalla caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Abuu Dabeey.

3 markab oo kuwa saliidda qaada ah ayaa lagu weeraray meel u dhow goob maxaddo saliideed ah waxaana sidoo kale sigtay dhismo ku dheggan Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee magaalada.

Weerarkan ayaa loo adeegsadey daroon hubaysan waxaana xaqiijiyey oo sheegtay jabhadda Shiicada ah ee Xuutiga.

Ugu yaraan 3 qofood oo 2 ay Pakistani tahay midna Hindi yahay ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarka, iyadoo ay xaaladdu kacsan tahay, waxaanad la socon doontaan wixii ka cusub.

Hadalsame Media