Bankiga Dhexe ee Somalia oo markii ugu horreeysey ammaan caalami ah helay & caqabad weli haysata

0

(New York, NY) 17 Jan 2022 – Hay’adda Maraykanka ah ee caalamiga ah ee Deloitte & Touche LLP ayaa ammaantay mid caafimaad qabana ku tilmaantay hannaanka maaliyadeed ee Bankiga Dhexe ee Somalia, kaddib xisaab-xirkii 2020-kii.

Sida ku qoran warbixin soo baxday, hay’addan ayaa sheegtay in aan wax ”khalad ah ama is dhaafsan” aysan ku arkin xisaab-xirkii FY2020 Financial Statement Audit, waana markii ugu horreeysey ee uu Bankigu helo aragti noocan ah.

“Shaqaalaha Bankiga Dhexe, Wasiirka Maaliyadda iyo saraakiisha kale ee DF oo ay wehliyaan Bankiga Adduunka iyo IMF waa wax ay ku faani karaan guushan, iyadoo aysan hoos u dhicin howshii bankiga iyo dakhligiisu xilligii cudurka faafa.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Somalia.

Bankiga Dhexe (CCB) ayaa dib loo furay 2009-kii, kaddib markii uu ku xirmey dagaalladii sokeeye ee bilowday 1990meeyadii waloow aan lasoo daabicin wax lacag ah oo rasmi ah muddo 30 sanadood ah, taasoo ku dhowaad meesha ka saartay shilin Soomaaligii oo uu doollarku bedeley, taasoo Bankiga Dhexe ka dhigaysa midka qura ee aan lahayn lacag maxalli ah oo rasmi ah.

Si kastaba, hay’adaha maaliyadeed ee Somalia ayaa lagu sheegaa kuwa ugu musuq badan caalamka iyadoo Somalia sanad kasta kaalinta 1-aad laga geliyo dalalka ugu musuqsan dunida.

Hadalsame Media