Kaddib booqashadii wiilkiisa Khaliifa Xaftar oo la sheegay inuu booqasho qarsoodi ah ku tegey Israel

0

(Hadalsame) 16 Jan 2022 – Dayuurad uu leeyahay hoggaamiye kooxeedka Libya ee Khalifa Haftar ayaa la sheegay inay ku degtey oo ay muddo joogtey Gegada Dayuuradaha Tel Aviv, halkaasoo ay tagtay Khamiistii.

Dayuuraddan oo ah kuwa gaarka ah ee P4-RMA ayaa caga dhigatay Ben Gurion Airport iyadoo kasoo kicitintay dhanka Qubrus, iyadoo sida uu sheegay hilinka Kan aan la shaacin ciddii dayuuradda saarayd, balse waxaa loo badinayaa inuu Haftar saarnaa.

Wiilka Haftar ee Saddaam ayaa horay bishii Nofeembar u booqday Israel isagoo taageero ka raadinaya una ballanqaadaya inuu xiriir wanaagsan oo diblomaasiyadeed la yeelanayo haddii ay taageeraan aabbihii inuu Libya madaxwayne ka noqdo, sida uu qoray warqaadka Haaretz ee Israel.

Haftar, oo ay taageeraan Ruushka, Masar, Imaaraadka iyo dalal kale ayaa sheegta inuu isagu yahay Abaanduulka Ciidamada Libya, isagoo xukuma qaybta LNA ee bariga dalkaasi.

Bishii Abriil ee 2019, wuxuu isku dayey inuu dagaal ku wada qabsado galbeedka Libya isagoo duullaan ku qaaday dowladda la aqoonsan yahay ee caasimadda Tripoli balse waxaa dhirbaaxo xun ku dhufatay dowladda GNA oo taageero fiican ka heshay Turkiga.

Bishii Nofeembar 2021, ayuu ku dhawaaqay in uu u taagan yahay doorashada oo xilligaa la filayey in Diseembar la qabto balse dib loo dhigay.

Hadalsame Media