Afar howlwadeen oo ka tirsan ama ku dhow Xafiiska RW Rooble ayaa muddo 4 bilood ah la qarxiyey (Arag shin-tiriska)

0

(Muqdisho) 16 Jan 2022 – Waxaa maanta Muqdisho lagu qarxiyey, Maxamed Ibraahim Macallimuu, kaasoo ah Afhayeenka Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah ee RW Rooble, waxaana haatan dhaawaciisa lagula tacaalayaa Isbitaalka Guud ee Digfeer.

Wuxuu Macallimuu ugu dambeeyaa afar qof oo ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyo beegsi ah oo si gaar ah u maleegan, haddaba aannu dib ugu noqonno sida ay u kala horreeyeen.

1 – 25-kii Sebtembar 2021-kii, gabar ka mid ahayd howlwadeennada gaarka ah ee Xafiiska RW Rooble ayaa lagu diley qarax ka dhacay qaraxii Imbaradooriyadda Ceel Gaab. Hibaaq Abuukar (AUN) waxay la taliye sare oo dhanka haweenka iyo xuquuqda aadanaha ka ahayd Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

”Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab,” ayuu xilligaa soo qoray Afhayeenka Xukuumadda Ibraahim Macallimuu oo haatan isaguna dhaawac ah.

2 – Qaraxyada noocan oo kale ah ee khaarajiska ah ee ku fooggan hadafka gaarka ah waxaa sidoo kale lagu lagu diley Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii Nofeembar ee sanadkii hore ee 2021-kii.

Waxaa isla qaraxaa isna ku dhaawacmay Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharmaarke Maxamed Warsame, kaasoo haatan lagu dawaynayo dalka Turkiga.

3 – Waxaa ku xigey qaraxa maanta oo ah 15-ka Jannaayo dhacay ee lala beegsaday Max’ed Ibraahim Macallimuu.

Waxay gebigood ka siman yihiin in weerarradu ay ku dheceen qof ka tirsan Xafiiska RW Rooble ama qof ku dhow, mana jirto cid loo qabtay ama loo dabagalay weerarradan.

Hadalsame Media