Waa midkee laacibka ay aadka ula dheceen taageerayaasha AC Milan (Daawo gool cajiib ah oo uu dhaliyey galabta)

0
Lens players celebrate after Lens' Arnaud Kalimuendo scored his side's opening goal during the French League One soccer match between Lens and Reims at the Bollaert stadium in Lens, northern France, Friday, Oct. 1, 2021. (AP Photo/Michel Spingler)

(Hadalsame) 15 Jan 2022 – Taageerayaasha AC Milan ayaa si wayn u hadal haya laacibka khadka dhexe ee Seko Fofana kaasoo tan iyo 2020 u safan jirey kooxda Udinese balse haatan u ciyaara kooxda Faransiiska ah ee Lens.

Fofana ayaa fasal-ciyaareed la mahadiyey ku qaadanaya kooxda Giallorossi ee Faransiiska isagoo Nofeembar 2021 noqday xiddigii bisha, balse galabta ayuu gool qurux badan ka dhaliyey Saint-Etienne, kaasoo ay 3-da dhibcood ku qaateen daqiiqaddii 95-aad.

Taageerayaasha AC Milan ee ciyaartan daawanayey ayaa mar qura bilaabay inay laacibka amaanaan iyo inay naadigooda usoo jeediyaan inay soo iibiyaan laacibkan oo ay sheegeen in uu biddaal fiican u noqon karo Franck Kessie, haddii uu guddoonsado inuu iskaga tago AC Milan dhamaadka fasalkan.

Taageerayaasha ayaa Twitter ku gorfeeyey baxaalliga ciyaareed ee Fofana oo ay ku tilmaameen mid kulansaday xoog iyo xirfad.

Hadalsame Media