Kenya oo mashruuc ballaaran oo ay ku baxayso $3.6 bilyan oo doollar uga welwelsan cabsi ka haysata dhanka Somalia

0

(Nairobi) 15 Jan 2022 – Kenya ayaa doonaysa in ay $3.6 bilyan oo doollar ay ku khasirto qorshe ballaaran oo ay ku kacaaminayso dekedaha, harooyinka iyo terminaallada qallalan ee dalkaasi 30-ka sanadood ee soo aaddan.

Dekedaha casriga ah ee waafaqsan xeerka caalamiga ah ee Ururka Badaha Adduunka ee International Maritime Organization (IMO), waxay aalaaba soo jiiraan suuqa shixnadaha iyo maraakiibta taasoo balaayiin laga helo, balse Kenya ayaa cabsi ka qabta dalalka gobolka sida in dhib uga yimaado Somalia, sida uu qorayo Premium Times.

Wakaaladda Dekedaha dalkaasi ee Kenya Ports Authority’s (KPA) oo haatan wadda mashruuca dekedda Lamu Port, oo ay bilowga ku baxayso $2.1 bilyan oo doollar ayaa qayb ka ah 7 mashruuc oo ballaaran oo la isku yiraahdo Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET) Corridor Project.

Wuxuu qayb ka yahay barnaamij la yiraahdo Aragtida Kenya ee 2030, kaasoo uu dalkani ku doonayo inuu ku noqdo mid dakhliga dadkiisu uu yahay dabaq dhexe.

Dekedda Lamu Port ayay doonayaan inay ka dhigaan meel shixnadaha lagu kala rogo (transhipment), taasoo ka dhigan meel ay maraakiibtu badeecadaha ku rogaan kuwo kalena ay kasii raraan sida dekeda Jabuuti iyo Imaaraadka.

Yeelkeede, Lamu ayaa qarqarka ku haysa xadka Somalia, halkaasoo ay weerarro kasoo qaaddo kooxda al-Shabaab, waxaana halista ay dadka degaanka iyo dowladdu ka qabaan xoogaysatey markii ay weerareen saldhigga ciidamada badda ee Manda Bay oo ku yaalla Lamu bishii Jannaayo 2020, iyagoo halkaa ku diley 3 Maraykan ah islamarkaana burburiyey dayuurad iyo gaadiid kale oo Maraykanku leeyahay.

Hadalsame Media