FAADUMO CISMAAN: Gabadhan oo maanta Hargaysa ku geeriyootey maalintii guurkeeda

0

(Hargaysa) 15 Jan 2022 – Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyootey Faadumo Cismaan Aadan (AUN), waxaana midda ugu darani ay tahay in ay dhimatay isla maalintii loo fadhiyey arooskeeda oo maanta dhici lahaa.

Faadumo ayaa loo mehrin lahaa Khaalid Maxamed Maxamuud, balse waxaa la sheegayaa inuu xanuun ku soo booday oo ay gashay xaalad deg-deg ah oo kasii daraysey ilaa ay u geeriyootay, taasoo keentay in xafladdii qosolka iyo farxadda ku socotey ay qamuunyo iyo tacsi isu rogto.

Axmed Karaama oo ka mid ah asaxaabta Faadumo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inuu meherkeeda uga yimid dalka dibaddiisa, balse uu maanta joogo tacsida walaashiis oo uu u yimid inuu kala qeyb-galo maalinta farxadda ee arooskeeda.

Dhacdadan murugada badan ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo ay dadkii u dhowaa ee asxaabta la ahaa iyo kuwa maqlay khabarkan qamuunyaysaniba ay si u qaadan waa ah uga falcelinayaan dhanka baraha bulshada.

Dhowr bilood kahor ayay arrin middan ka ag dhowi ka dhacday Jigjiga, kaddib markii caruus meherkiisii markaa laga soo tegey uu geeriyoodey kaddib markii uu la gaddoomey gaari uu la socdey.

Hadalsame Media