Cali Yare oo isaga oo aan dareensanayn sheegay in MW Farmaajo uusan Muqdish xukumin (3 khalad oo dhacay)

0

(Hadalsame) 15 Jan 2022 – Guddoomiye Xigeenka Amniga ugu magacaaban Gobolka Banaadir, Cali Yare Cali, ayaa shir jaraa’id oo qabtay ka sheegay in cid aanan ahayn Maamulka Gobolka aan hadda kaddib lagala tacaamuli karin arrimaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan amniga.

“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa. Mana jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Cali Yare ayaan intaa ku harine wuxuu ka dhawaajiyey arrin xitaa dood gelinaysa sharciyadda DF Somalia oo ah midda dalka ka arrimisa dastuuriyan iyo xitaa MW Farmaajo laftiisa maadaama uu yahay madaxa ugu sarreeya DF, haddii aan iyada amar laga qaadanaynna micnuhu waa in aanu Farmaajo cidna xukumin.

Cali Yare oo ujeedka ugu dambeeya ee uu hardankan oo dhan ugu jiraa ay tahay hor istaagga dibedbax ka dhan ah Farmaajo ayaa sidan ku duminaya sharciyadda Madaxtooyada dalka 3 sababood dartood:

1 – Cali wuxuu maagayaa la xafiiltan XF ee uu Rooble hoggaamio, balse waxaa ka hoostay in haddii aan laga amar qaadanin Xukuumadda Federaalka ah micnuhu waa inaysan jirin DF ah oo Somalia xukunta. Sidaa darteed, Farmaajo ma aha Madaxwayne waayo Xukuumaddu waa diinimadii dowladnimada dhan.

2 – In gobolladu aysan qaadanin awaamiirta DF Somalia waa xaalad duruufi ah oo uu waqtigu keenay oo ay la tahay in laga gudbo lagana gudbi doonee ma aha qiil dastuuri ah oo ay tahay in lagu daydo ama la daliishado, weliba qof ku dhow Madaxtooyadii Qaranka inuu warkani kasoo yeero waa sida ninkii laantii uu ku fadhiyey isla jarayey ee aan ogayn inuu dhulka ku dhici doono.

3 – Cali Yare cidna kuma matalo go’aamadan uu qaadanayo oo inta badan aan ahayn kuwo waaqiciyad iyo siyaasad la xareedeeyey, wax xeerinaysa amaba cawaaqibka xisaabi karta ku dhisan, balse waxaa marar badan dhacda in isaga oo is leh wax baad difaacaysaa uu uga sii darayo xaaladda qofka uu difaacayo.

Marar badan ayaa la arkaa Cali oo u hadlaya si aan u qalmin qof haya xilka uu ku fadhiyo oo mid ammaan oo u baahan taxaddar aad u wayn oo laga muujinayo arrimaha xasaasiga ah sida bulshada, beelaha, siyaasadda, amniga, dhaqanka iwm.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media