Sirdoonka Shiinaha oo fara ba’an ku haya Baarlamanka Britain (Digniin ka timid MI5)

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ayaa bixisay digniin dhif ah oo ku aaddan haweenay basaas u ah Shiinaha oo ku dhex milantay baarlamaanka dalkaasi si saamayn loogu yeesho siyaasadda UK.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Christine Ching ayaa la sheegay in xiriir qoto dheer u abuurtay xisbiga talada Shiinaha haya ee CCP iyo xildhibaano baarlamaanka UK ka tirsan iyo kuwa hadda rejo badan ka qaba in ay ku biiraan siyaasadda UK>

Waxaa la sheegay in ay lacago ugu yaboohday siyaasiyiin reer UK ah, lacagtaas oo la sheegay in ay badankeed Shiinaha ka timid.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib baaritaan dheer oo ay samaysay hay’adda MI5 sida illo xog ogaal ah ay u sheegeen BBC-da.

Mid ka mid ah xildhibaanada ay lacagaha siisay haweenaydan ayaa lagu magacaabaa Barry Gardiner oo heley lacag dhan £420,000, wuxuuna ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, halka Sir Ed Davey oo ka tirsan xisbiga Liberal Democrats uu heley lacag dhan £5,000, xiligaas oo uu ahaa xoghaya tamarta ee Ingiriiska, inkasta oo uu sheegay in qof isaga la shaqeeya yabooh ahaan loogu dhiibay lacagta, haddana ay tahay markii koowaad ee tuhun uu ka galo ujeedka lacagta.

Xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel ayaa sheegtay in ay aad uga walaacday arrinka ah in qof lagu ogyahay in uu u shaqeeyo Shiinaha uu xiriir caynkaas ah la yeesho xildhibaanada.

Sirdoonka waxa ay sheegeen in qof kasta oo xiriir la sameeya haweenaydaas ay ogaadaan xiriirka ay la leedahay xisbiga CCP , islamarkaasna tahay qof horey marinaya ajandayaasha Shiinaha.

Xisbiga Shaqaalaha ayaa dhaleeceeyay isku dayada Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in macluumaad dheeri ah uu ka dalbay hay’adda sirdoonka

Sida uu ku waramaya wariyaha BBC-da ee amniga Gordon Corera, Sirdoonka Britain ayaa hadda halista ugu weyn u arka farogalinta Shiinaha, taas oo ka sare martay tii la sheegi jiray ee Ruushka.

Waxaa kale oo jirta welwelka ah in aysan jirin sharciyo ku filan oo arrimahan looga hortago, taas oo horseedday in qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo ay tahay in la shaaciyo halista la ogaado.

Haweenaydan ayaa kasbatay kalsoonida xildhibaanada, iyada oo xitaa wiilkeeda uu shaqo beertiisa ka siiyay mid ka mid ah xildhibaanada.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media