WAALLIDA AFCON: Xul marna loo shiday astaanta calanka dal kale marna lagu wargeliyey inay muusig la’aan qaadaan heesta dalkooda (Daawo)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2022 – Waxaa soo baxaya arrimo kale oo la yaab leh oo ka imanaya dhanka Africa Cup of Nations kaddib ciyaartii shalay la joojiyey iyadoo aan dhamaanin weliba 2 jeer, kaddib markii isla shalay 2 jeer la ciyaaray astaanta calanka Mauritania.

Xulka Mauritania oo markii hore loo shiday astaan calan aan kooda ahayn ayaa markii dambe lagu wargeliyey inay astaanta calankooda muusig la’aan qaadaan maadaama aanu shaqaynayn codkii garoonku, waxaana la arkayey kabtanka Mauritania ee Aboubakar Kamara (u dheeli jirey Fulham) oo yaab madaxa la ruxaya.

Laacibiinta Mauritania ayaa iyaguna amakaag ka muujiyey arrintan, iyadoo ay arrintu taagnayd dhowr daqiiqo.

Xulkii ay la dheelayeen ee Gambia ayaan isagu dhibkaa marin, kulankii Group F ee ku qabsoomay Limbe Omnisport Stadium.

Hadalsame Media