SAWIRRO: Ruushka oo soo bandhigay dayuurad ay Galbeedku aad uga baqayaan (Muuqaallo horseed ah oo ay leedahay)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2022 – Dayuuradda cusub ee Mi-28NM oo ah nooca qumaatiga u kaca ee weerarka oo leh matoor casri ah ayaa noqotay mid si aan caadi ahayn looga cabsado iyadoo leh agab jiilka xiga ah oo aan kaliya ku koobnayn noocyo hub ah oo ay sidatee sidoo kale ka qaybgeli karto dagaallada danabaysan (electronic warfare).

Wargaysyada Ruushka oo sameeyey dayuuraddan ayaa qoraya in ay leedahay muuqaallo cajiib ah sida inay daroonka xukumi karto, isgaarsiin aan la jaam garayn karin, dareen wadayaal iyo agab ka saacidaya in wax ka bartilmaameedsato meelo ka baxsan ”xayndaabka daafaca cireed ee wax ku oolka ah.”

Dayuuraddan oo ay Ruushku ugu yeeraan “ugaarsadihii habeenka,” ayaa si hordhac ah u arki karta unba burburin karta bartilmaameedyada cadowga, sida uu sheegayo Vitaly Shcherbina, oo ah naaqishka dayuuradaha qumaatiga u kaca ugu qaysan Rostec, oo u warramay TASS.

Dayuuraddan ayaa marka laga soo tago dagaalka waxay sidoo kale ku fiican tahay xog-ururinta iyo sahanka taatikaysan, iyadoo leh shabakad toos ugu xirmaysa taliska dhexe iyo xitaa dayuuradaha kale iyo daroonnada is wada.

Hadalsame Media