Jidwayne casri ah oo Kenya laga dhisi lahaa oo la iskula dheggan yahay (Maxaa dhacay?)

0

(Niarobi) 13 Jan 2022 – Dhismaha jidwayne ay ku baxayso Sh160 bilyan oo shilinka Kenya oo isku xiraya Nairobi iyo Mau Summit oo ah magaalo ka tirsan Nakuru County ayay doodi ka taagan tahay kaddib markii ay laba shirkadood oo shisheeye ihi dalbadeen in la baaro qaabka qandaraaska lagu bixiyey.

Shirkadda Spanish-ka ah ee Technica Y Proyectos, iyo dallad Koonfur Afrikaan ah oo la yiraahdo Gibb Africa Ltd ayaa dacweeyey Wakaaladda Jidadka Waawayn ee Kenya (KeNHA) oo kansashay qandaraaska.

Qandaraaska ayaa la kansalay 24-kii Diseembar iyadoo dhaliil laga keenay qaabka wax loo qiimeeyey, balse shirkadda Spanish-ka ah oo wakiilatay shirkadda sharciyada ee Kihara & Wayne Advocates ayaa sheegtay in si aan cadaalad ahayn tillaabadan loo qaaday, taasoo jebinaysa Dastuurka Kenya maadaama ay iyagu heleen dhibcaha ugu sarreeya.

Waxay shirkaddu sheegtay in KeNHA aysan arrintan u qiimaynin si waafaqsan hab-raacyada aadka u xadidan ee jira sida inay wax usoo bandhigto daah-furnaan, maarayn wax ku ool ah iyo xisaabtan si waafaqsan qodobka 44(2)(e) ee Maaraynta Qandaraasyada Dadwaynaha iyo Hantida, 2015.

Dhismaha jidwaynahan oo bilaambi lahaa Sebtembar 2021-kii ayaa dib u dhici doona maadaama qandaraaskii la kansalay, waxaana jidka oo ah 233 km siina maraya Kiambu iyo Nakuru la siiyey Rift Valley Highway Company — oo ah dallad ay ku wada jiraan shirkadaha Meridian Infrastructure Africa Fund, Vinci Highways, iyo Vinci Concessions, oo ah kuwo Faransiis ah.

Hadalsame Media