Dad lagu haysto inay carruur gudeen oo ay maxkamadayntoodu maanta bilaabatay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2022 – Maanta ayey gobolka Skaraborg ka bilaabmi doonta maxkamad ku saabsan laba qof oo lagu tuhmayo in ay ka mid ahaayeen qorsheeynta gudniinka laba caruur.

In dacwad noocan oo kale maxkamadaha Iswiidhan lagu soo oogo ayaan caadiyan dhicin madama ay adagtahay in la cadeeyo in caruurto Iswiidhan deganaayeen marka uu gudniinku dhacay.

Caruuraha kiiskan ayaa sida ay maxkamadu u jeedo lagu soo guday waddan afrika ku yaal iyaga oo u dhaxeeya da´da lix ilaa sideed jir.

Hadalsame Media