Wakaaladda Wararka SONNA oo soo bandhigtay ciddi lala beegsaday qaraxa Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 12 Jan 2022 – Wakaaladda Wararka SONNA ayaa ka hadashay qarax gaari loo adeeegsay oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo ciddii uu yoolkiisu ahaa oo horay warar kala duwani uga soo baxayeen.

”Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Shikadda gaar loo leeyahay kana shaqeysa howlaha amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay,” ayaa lagu qoray Wakaaladda.

”Qaraxa ayaa ka dhacay wadada 21-ka Oktober oo ah waddo aad u mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo waxbarasho iyo kuwa caafimaad.

”Weli lama oga qasaaraha dhimsho iyo dhaawac,waxaase la filyaa in goordhaw ay faah-faahin ka bixiyaan booliska Soomaaliya.” ayaa la raaciyey.

Horay ayaa waxaa usoo baxayey warar sheegaya in weerarka lala eegtay Guddoomiye Xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Ammaanka, Cali Yare.

Hadalsame Media