Qarax la sheegay inuu ka badbaadey Guddoomiye Xigeenka Ammaanka & muran durba ka taagan

0

(Hadalsame) 12 Jan 2022 – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ay warar kala duwani kasoo baxayaan yoolkiisa, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in wefdi caddaan ah lala eegtay, halka warar kale sheegayaan in lala beegsaday Guddoomiye Xigeenka Ammaanka Gobolka Banaadir, Cali Yare.

Waxaana durba baraha bulshada ka bilaabatay dood ku saabsan saxnimada warka sheegaya in Cali Yare qarax ka badbaadey iyadoo ay dadku daliishanayaan waxyaabo ay ka mid yihiin waqtiga u dhexeeya xilliga uu Cali qoraalka sameeyey iyo xilliga qaraxa.

”Waa muhiim in la kala barto inuu jiro farqi weyn oo udhexeeya soo qorista waraaqaha dowliga ah iyo kuwa Hotelada (Biilka/receipt) ee macaamiisha loo geeyo marka loo adeego kadib.” ayuu Cali kusoo qoray bartiisa Facebook.

Waxaase daqiiqado aad u yar kaddib war deg deg ah soo qoray raadiyaha Shabeelle oo sheegay in Cali Yare uu qarax ka badbaadey isagoo aan wax caddayn ah keenin.

Waxaa intaa dheer in dadka qaar ay soo gudbiyeen sawirro sceenshot ah oo muujinaya Cali Yare oo daawanaya barnaamij toos ah oo lagu sheegayo inuu qarax ka badbaadey, taasoo aan macnawi ahaan macquul u ekayn.

Hadalsame Media ayaan weli helin xog kale oo xaqiijinaysa ama beeninaysa warkan.

Hadalsame Media