Milkiilayaasha Inter Milan & Horyaalka Ingiriiska oo isku dheggan (Lacag 200m ku dheggan oo lagu xukumay)

0

(London) 12 Jan 2022 – Hilinka Chinese-ka ah ee PPTV, oo ay leeyihiin Suning Group, oo ah milkiilayaasha Inter Milan ayaa lagu amray inay 188 milyan oo doollar u shubaan English Premier League.

Go’aankan ayaa waxaa riddey Maxkamadda Sare ee London High Court kaddib markii ay ku fashilmeen inay adeecaan heshiiskii ay la galeen Horyaalka Ingiriiska oo la kansalay Sebtembar 2020, kaddib markii ay PPTV ku baaqatay lacag laga sugayey.

Suning ayaa waxaa jug xun ku dhuftay ciyaaraha la hakiyey qaybihii hore ee sanadkaa kaddib markii uu dillaacay faafaha Covid-19 iyo markii dib ciyaaraha loo bilaabay oo taageerayaasha laga joojiyey bishii Juun.

Yeelkeede, garsoorayaasha maxkamadda Sare ee London ayaan dheg jalaq u siinin dalabka Suning, waxaana xitaa lagu eedeeyey inaysan bixinin lacago badan oo ay ku leeyihiin qarreenadii ku difaacayey dacwaddan ay ku guuldarraysteen.

Hadalsame Media