Maraykanka oo ku gooddiyey inuu tillaabo qaadayo & qofka la beegsanayo oo si dadban loo sheegay

0

(Washington, DC) 12 Jan 2022 – Maraykanka ayaa digniin kasoo saaray dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada dalka Somalia oo haatan sanad ku dhowaad jiitamaysa taasoo eeddeeda la saaray dad uu ugu horreeyo MW Farmaajo.

Afhayeenka u hadla Wasaaradda A. Dibedda Mareykanka ee Ned Price ayaa ku gooddiyey inay soo rogi doonaan xadidaado culus oo lagu beegsanayo dadka xagal-daacinaya hannaanka doorashada iyo habsami socodkeedaba.

“8-da Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Maraykankuna wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaabo walba oo ay ku jiraan xayiraado dhanka fiisaha ah, si ay uga jawaabto dib u dhac dheeraad ah ama falalka wax u dhimaya hufnaanta geeddi-socodka doorashada.” ayuu yiri Price.

Maraykanku waa dalka 1-aad ee maalgeliya howlgalka AMISOM isagoo sidoo kale saamayn xooggan ku leh siyaasadda dunida maaanta, gaar ahaan nidaamka maaliyeed ee dunida dusha laga saaray ee Bretton Woods.

Dadka ay hanjabaadani ku socoto ayaa sida warka laga dhadhansan karo warka afhayeenka ayaa waxaa ugu horreeya MW Farmaajo iyo dabcan dadka gacanta ka gaysanaya farafaraynta doorashada, kuraasi xirista iwm.

Hadalsame Media