Geeddi: ”Maadaama aan xabsi kasoo baxay shaqo ma heli karo” – Dhibaato Soomaali badan qurbaha ku qabsata (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 12 Jan 2022 – Waa xilli fiid ah, oo waxaan ku suganahay xaafad si aan ula kulmo wiil dhalinyara ah oo dhawaan soo dhameystay xabsi mudo sanada ah.

Geeddi ayaan u bixinay sababo la xiriirta ilaalinta haybtiisa gaarka ah awgeed mana aha magaciisa saxda ah, waa wiil dhalinyaro ah waxa uu nala wadaagey mudadii xabsiga uu ku jiray.

“Waxa ay ii ahayd maalmo madow, oo waxaan dareemay xuriyad daro sida shimbir shabaq ku jiro ama lagu xiray oo kale ayaan u ekaa” ayuu yiri – Geeddi.

Hadalsame Media