Wax ka ogow khatarta ku gedaaman barnaamijkan PhotoLap ee laga daba dhacay!!

0

(Hadalsame) 11 Jan 2022 – Maalmihii u danbeeyey baraha bulshada waxaa haystay sawirro loo eekaysiiyey qaab macmal ah ama ‘cartoon’ ah oo ay isticmaalayeen dadka Soomaalida ahi. Facebook-ga oo ah barta bulsheed ee ay isticmaalaan Soomaalida ugu badani ayaa aad looga dhex arkayey sawirradan oo ku baahay.

Farsamaynta iyo naashnaashida sawirradan lagu habeeyey barnaamij gaar ah ayaa qofka u eekaysiinaysa sidii sawir gacmeed oo kale ama hab ku dhaw.

Sawirradan ayaa ay dadku u isticmaalayeen ku beddelashada sawirka aqoonsiga shakhsiga ah ee loogu talogalay wejahadda qof walba.

Baadhis kaddib barnaamijka ugu badan ee ay dadkaasi isticmaaleen si ay sawirkooda u dooriyaan ayaa ahaa barnaamijka PhotoLab.

Xaggee ayuu ka yimi barnaamijkani?

Photolab ayaan caan ka ahayn keliya baraha bulshada Soomaalida ee sidoo kale dhawaan ayay ahayd kolkii uu dalka Hindiya ku baahay, tan iyo markii la sii daayay. App-kan waxa uu wataa awoodo tafatireed oo soo saaraysa sawir aad u cajiib ah, waxana uu leeyahay qaabab farshaxan oo kala duwan, oo qofka u eekaysan karta marba habka uu doono.

.

XIGASHADA SAWIRKA,.

Markii ugu horreysay barnaamijkan waxaa lala xidhiidhiyey in laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa se warkaasi isbeddelay baadhis ay sameeyeen warbaahin dalka Hindiya ah oo lagu ogaaday in aanu la xidhiidhin Shiinaha. Barnaamijkan wuxuu ka yimid Linerock Investments LTD, oo ah shirkad fadhigeedu yahay San Fransisco, Mareykanka.

Shirkadda ayaa ku soo bilaawday barnaamijkan taleefannada loo yaqaan Android sannadkii 2010, iyaga oo wixii intaa ka danbeeyey marba sii horumarinayey.

Waxyaalaha aad ka heli karto shirkadda ee kolka aad furtaba xagga hore kaaga muuqanaya waxaa ka mid ah 14 barnaamij oo loogu talagalay mobiladada kaas oo kan ugu caansa uu yahay Photo Lab Picture.

Barnaamijkan ayaa lala degan intaas oo milyan oo jeer. Kolka laga hadlayo qiimeynta Google, barnaamijyadeeda mobilada waxa uu ka mid yahay oo badanaa ka muuqdaa 100ka ugu sarreeya in ka badan 10 waddan.

Sawirrada la dhalan rogey ee madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Khatar ma keeni karaan barnaamijyadani?

Barnaamijyadan mobillada ee lala soo degi karo laguna hagaajiyo sawirrada ayaa caan baxay sannadihii u dambeeyay waxaana ay sii noqonayeen xaalad walaac leh oo haysata bulshada.

Sida ay qabaan khubarada ku taxaluqda isticmaalidda aaladahaas waxaa muhiim ah in la akhriyo siyaasadaha khaaska ah oo aad fahanto sababta ay u codsanayaan helitaanka xogtaada gaarka ah.Khubaradu waxa ay sheegeen in apps-kani ay kuu kaydinayaan sawiradaada koobaha xogtooda , maadaama aad u ogolaatay in ay sidaas sameeyaan marka aad rakibayso software-ka adiga oo aan akhriyin shuruudaha ay qabaan.

Si gaar ah kuwooda aan txiraaca lahayn ee laga soo dejiyo meelaha aan la aamini karin waxay noqon karaan khatar, maadaama xaqiijin aanay inta badan xaqiijin codsiyada amniga, sirta iyo arrimaha khuseeya fayrasyada.

.

XIGASHADA SAWIRKA,.

“Weligay ma akhriyin T&C oo hadda waxaan ku haystaa taleefankayga saddex barnaamij oo sawirrada lagu qurxiyo,” ayuu yiri Gunnjan Goyal, oo 16 jir ah, arday ah oo hore BBC-du ula hadashay. “Waxaan wax ka beddelaa ku dhawaad dhammaan sawirradayda si aan u qurxiyo, mararka qaarkoodna waxaan ka qaadaa sawirro aniga oo isticmaalaya barnaamijyadan waxayna ku kaydsan yihiin goob iyaga u gaar ah”

Ku dhawaad laba sano ka hor baraha bulshada waxaa ku baahay barnaamijka kale ee sawirrada dadka falanqeynta ku sameeya kaddibna natiijo qiyaas ah soo saara taas oo ku saabsan da’dooda.

Dad ay ka mid yihiin Soomaalida isticmaasha Facebook ayaa ka mid dadkii ku daatay barnaamijkaas, kaas oo sida oo kale saadaalin iyo hab nasiib ku so saari jirey waxa qofkuu uu la kulmayo sannadaha soo socda, sida guurka iyo in aad hanti heli doonto oo kale.

Hase yeeshee khubarada ayaa horay uga digay in barnaamijyada qaabkan u shaqeeya ay khatar ku noqon karaan xogta khaaska ah ee qofka, maadaama sawirradiisa iyo cinwaankiisaba uu la wadaagayo shirkadaha leh barnaamijkaas.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media