North Korea oo wadda samaynta gantaalo istaraatiji ah & dayax-gacmeedyada Maraykanka oo ku dhibban + Sababta

0

(Pyongyang) 10 Jan 2022 – Wararka ka imaanaya Mareykanka ee ku saleysan xogo dhanka dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo sameynta gantaalaha riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ee loo yaqaan baalistigga, iyadoo dalkaasi uu dib u cusboonaysiiyay dhaq-dhaqaaqyada wershadaha hubka ee barnaamijkan ku lug leh.

Woqooyiga Kuuriya ayaa lagu tilmaamaa ‘godka madow ee sirdoonka’ sida Hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah ee CIA oo qayb ahaan aad ugu dhibtoota inay halkaa xog ka hesho.

Waxaa ugu wacan in xarumaha militariga ee dalkaasi oo ay ku jiraan warshadaha hubku ay ku yaallaan saldhigyo dhulka hoostiisa ah, iyadoo uu dalkuna ka mid yahay kuwa ugu tunka wayn adduunka ee sida hufan uga faa’ideysta saldhigyadaa aasan maadaama uu dhulkiisu yahay mid buuraleyda ah.

Xitaa Mareykanka oo haysta shabakado satalayt oo aad ballaaran islamarkaana in badan heli jirey xogaha Midowgii Soofiyeeti ee burburay intii lagu guda jirey dagaalkii qaboobaa – ayaa Kuuriyada Woqooyi ka keeni la’ wax badan xogo aan dhamaystirnayn oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada milatari ee dalkaasi.

Milateriga Waqooyiga Kuuriya oo si guul leh u tijaabiyay tiro ka mid ah gantaalaha baallistic-ga cusub iyo kuwa kuruuska 2016 iyo 2017, oo ay ku jiraan laba nooc oo ah gantaalaha baallistic-ga ah ee qaaradaha iskaga tillaaba qaybtii labaad ee sanadkii 2017-kii – Hwasong-14 iyo Hwasong-15, ayaa haatan la sheegay inuu bilaabay inay soo saaraan gantaalahan.

Hadalsame Media