Gabar siyaasi ah oo ay Australia ku qabsatay lacag looga soo diray Somalia oo hadashay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2022 – Sahra Sheekh Axmed Mustaf, oo u sharaxan kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafadda ay ku badanyihiin Soomalida ee dalka Australia, ayaa lagala noqday ruqsaddii u ogolaaneysay in ay xubin ka ahaato xisbiga talada haya ee dalkaas.

Sahra ayaa waraysi ay BBC siisay ku sheegtay in aysan ka harin musharaxnimada kursiga Baarlamanka, balse ay hadda go’aansatay in ay u istaagto si madax-banaan.

Sahro ayaa BBC u sheegtay in sababta uu xisbiga cuskaday ay tahay lacag Soomaaliya looga soo diray, “balse taas uusan sharciga u diideynin”.

“Xisbiga wuxuu adeegsaday sharci ay meel marisay dowladdan middii ka horeysay, si xun ayuuna u fahmay lacagtaas.” ayey tiri Sahra.

Sharciga uu xisbiga cuskaday wuxuu dhigayaa in qof musharrax ah oo xil u taagan in aan lacag looga soo dirin karin dalka dibaddiisa.

“Lacagaha la sheegayo ee aan aniga helo waa kuwa la ii soo diro xilliyada fasaxa iyo ciidaha oo gaaraysa ilaa saddex kun oo doollar, oo sanadkiiba hal mar carruurta loo soo diro.

“Adeerkay wuxuu soo diraa lacag yar ayuu carruurta u soo dira maadama uu yahay nin iska mashquul badan. Sida uu wasiir Soomaaliya uga noqdayna waxba ma uusan ii soo dirin. Lacagaha laga hadlayana wuxuu ii soo diray ka hor inta uusan wasiirka noqonin,” Ayey raacisay Sahra.

“Sharciga lacagta iima diidano ee xisbiga ayaa ii diiday oo igu dhaheen anaga ma rabno in qof lacag kuu soo diro, marka sharciga lacagta iima diidano ee wuu ii ogolyahay sida uu garyaqaankayga uu ii sheegay.”

Haddaba waa tuma Sahra Axmed Mustaf?

Sahra waxay ku soo barbaartay oo ayna wax ku soo baratay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimadda ee Muqdisho, ka dib waxay u safartay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaas oo ay ku dhashay ilmaheedii ugu horreeyay.

Waxay waddanka Australia gashay ama tagtay 2004-tii, halkaas oo ay isla markiiba ka bilawday barashada luuqadda Ingiriiska ka dibna waxay baratay xirfadda naqshadaynta guryaha, iyada oo u soo shaqaysay shirkado badan oo guryaha naqshadeeyo.

Sahra ayaa dib ugu noqotay Soomaaliya muddo ka dib waxayna halkaas shaqa kala bilawday Wasaaradda waxbarashada oo ay markaas wasiir ka ahayd Maryam Qaasim, waxayna sheegtay in ay masuul ka ahayd mashruucyo ballaaran oo lagu hirgelinayay ilaa 70 iskuul.

Ka hor inta aysan go’aansanin inay ku biirto siyaasadda waxay si mutadawacnimo ah howlo kala duwan uga qaban jirtay xaafadda ay dagan tahay.

“Shantii sano ee la soo dhaafay, waxaan siyaasiyiinta xaafadda ee ka tirsan dowladda hoose ka soo caawiyay wax badan waana la soo shaqayay,” balse intaas wax xil ah uma aysan soo istaagin., sida ay u sheegtay BBC.

Sahro ayaa sannadkan go’aansatay in ay musharax noqoto oo ay u istaagto kursiga Baarlamaanka ee xafadda ay dagantahay, markii hore waxay iska diwaan-gelisay xisbiga talada haya ee dalkaas oo hadda kala laabtay musharaxnimada.

Qoraalka Codka, Gabadh lacag looga soo diray Soomaaliya loogu haysto Australia

Sahra waxay sheegtay in ilmaheeda aabahood uu ka shaqeysto dalalka Bariga Afrika, uuna mararka qaar u soo diro lacago. “Ilmahayga aabahood waxa uu jooga banaanka, qoyskaygana waxay badankood ku maqanyihiin Soomaaliya, dad badan ayaana si khaldan u fahmay arrinkan. Sharciga iima diidano lacag in la ii soo diro.”

Sahara ayaa sheegtay in ay raja badan ka qabto in ay ku guulaysan doonto kursiga baarlamaanka ee ay sida madax-banaanida ugu sharaxantahay hadda.

Waxay tilmaamtay in dadka deggan xaafaddeeda ay neceb-yihiin musharaxiinta ka socda xisbiyada waaweyn.

Waxay tiri: “Dadka waxay aaminsan yihiin in musharaxiinta ka socda xisbiyada ay kaliye ku shaqeeyaan hadalka xisbiga ay matalayaan, marka waxaa ii fudud in aan kaligay istaago.”

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media