Zlatan Ibrahimovic oo jebiyey rikoodh uu horay u dhigay Cristiano Ronaldo

0

Ibrahimovic oo sidoo kale sanadkii 24-aad oo xiriir ah gool ka dhaliyey loona arko mid ka mid ah qannaasyada ugu muhiimsanaa qarnigan 21-aad ayaa weli wacdaro dhigaya tiiyoo uu 40-jirsaday, isagoo Milan oo uu kusoo laabtay Jannaayo 2020 u dhaliyey 36 gool.

Ibrahimovic ayaa kulankii duhurkii 80 naadi oo kala duwan goolal ka dhaliyey waxaana uu sidaa kusoo qabtay laacibka Ronaldo oo rikoodhkaa kaligii ku ahaa, kaasoo heerkaa gaarey ciyaartii uu kooxda Old Trafford ee Manchester United ay 3-1 uga badisay Burnley  Diseembar 30.

Ibrahimovic ayaa waayihiisa ciyaareed ku bilaabay kooxda magaaladiisa Malmö sanaddii 1999 isagoo kaddib u saftay 7 naadi oo kala duwan.

Hadalsame Media