Shirka Golaha Wadatashiga & Musharrixiinta oo soo dhamaaday & qodob muhim ah oo la isla qaatay

0

(Muqdisho) 09 Jan 2022 – Waxaa goor dhowayd soo dhamaaday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ay la yeesheen Midowga Musharaxiinta ee ku sugan magaalada Muqdisho oo uu shirku ka soconayey.

Waxay xogtu sheegaysaa in inta badan la aqbalay soo jeedintii Musharaxiinta ku midaysan golahan, marka laga reebo qodobka odayaasha 135-ta iyo Amniga sida loo wajahayo.

Qodobka khuseeya odayaasha 135-ta ah ayaa meel dhexe la isugu yimid sida ay xogtu sheegayso, waxaana la isla qaatay in la howlgeliyo odayaasha dhaqanka ee soo jireenka islamarkaana la isla aqoonsan yahay, kaasoo qodob muhim ah.

Marka ay timaaddo dhanka amniga, weli meel rasmi ah la iskulama furin, waxaana la sheegayaa inay go’aamin doonaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Madaxa Xukuumadda & Maamullada + Gobolka Banaadir.

 Kulanka Wadatashiga ah ee Muqdisho ka soconaya ayaa lagu wadaa in galabta halkaa lagu soo afmeero, iyadoo lagu heshiiyey qodobbo dhowr ah, iyadoo War Murtiyeed rasmi ah laga soo saarayo, kaasoo lagu faahfaahin doono dhinacyada jadwalka doorashada, qiyamka iyo isku hallaynteeda iyo sidoo kale ammaankeeda.

Hadalsame Media