DEG DEG: Shirkii Wadatashiga oo laga soo saaray 18 qodob & shuruudo cusub oo muhim ah

0

(Muqdisho) 09 Jan 2022 – Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagabeeyay shirkii uga socday Muqdisho, ayaa soo saaray War Murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.

QODOBBADA UGU MUDAN – Waxaa qodobbada lagu heshiiyey ka mid ah in la shaaciyo magacyada guddiyada soo xulista ergada kuwaasoo ka kooban duubabka iyo caaqillada rasmiga ah ee bulshada ama beelaha uu kursigu ka dhexeeyo.

Guddiyada Doorashada Federaalka iyo Maamullada waxaa waajib ku ah inay xaqiijiyaan in dadka wax dooranaya ay yihiin kuwii sida rasmiga loosoo xulay.

Soo xulista ergooyinka wax dooranaya waxaa u madax bannaan odayaasha iyo duubabka rasmiga ah ee beelaha mana lagu faragelin karo.

Musharrax kasta oo buuxiya hab-raacyada doorashadu wuxuu xaq u leeyahay inuu tartamo mana la ogolaan doono in kursi qof loo xiro, sidoo kale musharrixiintu si siman ayay uga ololayn karaan goobta doorashada iyagoo galaangal isku mid ah u yeelanaya la kulanka ergada wax dooranaysa.

Doorashada ayaa loo qabtay in lagu soo afmeero inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 25-ka bisa Febraayo ee soo aaddan.

Hadalsame Media