XOG: Maxaa ka jira in dib loo fasaxay terminal-kii QM ee Garoonka Aadan Cadde?

0

(Muqdisho) 08 Jan 2022 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo furay Terminal-ka QM ee Garoonka Aadan Cadde oo ah qayb ya oo ay gaar u adeegsadaan QM, AMISOM iyo dhammaan shisheeyaha deggan Xerada Xalane.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda DF Soomaaliya ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in ay xirtey balse Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dib u fasaxday terminal-ka.

Warku wuxuu intaa raacinayaa in amarka dib loogu furay UN Terminal uu ka yimid dhanka Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdulaahi Maxamed Nuur, kaddib wadahadallo dhexmaray Wasiirka iyo Diblumaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Amniga oo ka wada tirsan Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa la seegayaa inay kala raacsan yihiin Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo uu haatan ka dhex taagan yahay khilaaf ba’an.

Hadalsame Media