QOORAANSI: Maalintii uu qaraxu ka dhacay Radio Muqdisho & doorkii uu furdaaminta arrintaa ka qaatay RW hore ee Nuur Cadde (AUN)

0

(Hadalsame) 08 Jan 2022 – Baar cuntada fudud laga helo oo ku dhax yaaley xarunta wasaarada warfaafinta, ayaa aniga iyo laba nin oo saaxibadey ahaa kana wada tirsaneyn wariyeyaasha idaacada Raadiyo Muqdisho, ayaan ka wada quraacanay goor sheegtadu mar ay aheyd 8 subaxnimo, xiligaas oo aanu shaqada soo wada galnay.

Saaxibada aanu wada soconay ee aanu wada quraacanay waxa ay kala ahaayeen Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Sheekhdoon,

Coffee ama qaxwo ayaan kasii qaadanay baarka, markii aanu quraacanay ka dibna anagoo sheekeysanayna ayaan fariisanay kursi dhagax adag ka sameysan oo ku dhex yaalay goobta aanu ka shaqeynaynay, anagoo ku tala galnay marka qaxwaha aanu dhameysano inaan shaqooyinkeena qabsano.

Waa bishii July sannadkii 1989-kii. xiligaas. waxaa haddaba dhacday aniga iyo raggii saaxibadey ahaa oo sheekaysaneyno ayaa waxaa mar qura is bedalay jawagii halkii aanu fadhinay. waxaa meel ku beegan gadaasheena oo geedo waaweyn iyo dhir kala ceyn ah ay ku yaaleen ayaa waxaa ka dhacay qarax dhegaha na awday ama waxba aan ka maqli weynay iyadoo qofba meel uu cararay si aanu nafta ula baxsano.

Aniga iyo Axmed Kismaayo oo isku dhinac u cararnay ayaan jirkeena ka eegnay in wax dhaawac ah uu inagu yaalo, waxaana xaqiiqasanay in waxba uusan na gaarin, iyadoo saaxibkeen Sheekhdoon uu ku dhacay halkii aan fadhinay meel horteeda ah. isla markiiba dhinaciisa ayaann usoo dhaqaaqnay saaxibkeen anagoo hubinay in uu nool yahay gacanta midig ayaasa dhiig ka socday markaas.

Waxaa markiiba banaanka usoo baxay madaxdii iyo shaqaalahii wasaarada warfaafinta, iyagoo la argagaxsan qaraxa meesha ka dhacay oo lama filaan ku noqday.

Agaasimahii idaacada raadiyo muqdisho ee wakhtigaas Maxamed Aadan Xirsi (Teera) ayaa markiiba gaarigiisa nagu qaadey sadexdeenii anagoo u mahad naqnay Ilaahay (sw) oo ina bad baadiyey.

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayuu markiiba na geeyey agaasimahu.

Markii dhaqaatiirtu baaritaan ay nagu sameeyeen saaxibeen Sheekh doon, oo dhaawac fudud gacanta kasoo gaarey ayaa markiiba la daweeyey ka dibna waa nala fasaxay sadexdeenii waxaana agaasime Teera uu nagu yiri guryahiina idiin kala geynayaa maalmaha soo socdana shaqada fasax ayaad ka tahiin.

Isla maalintaas goor ay ku beegneyd 1 duhurnimo ayaa anigoo jooga gurigeyga waxaa albaabka soo garaacay nin sarkaal Boliis ah, markii aan albaabka ka furey waxuu ii sheegay inaan soo raaco gaari 888 ah oo xiligaas Boliiska uu isticmaali jirey isagoo ii sheegay in loo soo direy inuu i xiro.

Saaxiibkeen Sheekhdoon gurigiisa waa tageen Boliiska, laakiin masoo xirin maadaama isaga dhaawac uu qabay.

Markii aan gaariga soo fuulay waxaan arkay saaxibkey Axmed Kismaayo, oo saaran waxaana ka dib nala geeyey saldhiga Degmadda Wardhiigley maadaama xarunta wasaarada warfaafinta ay ka tirsaneyd degmadaas.

Markiiba rag dembi baarayaal ah ayaa nala kulmay sida ay wax u dhaceen ayey na weeydiiyeen iyo su’aalo kale oo qaraxa meesha ka dhacay la xiriira.

Ka dib waxaa naloo geeyey taliyahii saldhiga waxuuna nagu yiri, waxaa la ii sheegay inaad wariyeyaal Raadiyo Muqdisho ka tirsan aad tahiin marka ma doonayo in la idinku xiro halka dembiilayaasha lagu xiro, idanka oo weriyeyaal qaran ah, ee waxaad yeeshaan geed weyn oo saldhiga ku dhex yaalay hoostiisa iska fariista.

Anagoo geedka hoos fadhina ayaa taliyahii magacyadeena na weeydiiyey ka dibna markaan isku sheegnay ayuu yiri Abdulahi Nur Colombo sow maaha ninka barnaamijka ciyaaraha sheega, haa baan ku dhahay dabeedna intuu cabaar i eegay ayuu yiri, wlhi marka codkaaga weyn aan ka maqlo idaacada waxaan iska sawirtay ama kuu haystay inaad tahay oday 70 jir ah oo buuran, cayil la socon la’a laakiin nin dhalinyaro ah oo caato ah baad tahay.

Ka dib taliyaha ayaan waxaan ka codsanay inaan la xiriirrno agaasimaheena Teera, si aan ugu sheegno waxa dhacay iyo inaan xiranahay waana naga ogolaadey anagoo telka kala hadalnay.

Isla markiiba Agaasimahu waa noo yimid waxaana ay wada hadleen taliyahii saldhiga isagoo nasoo damiintay.

Markii aanu isa soo raacnay agaasimaha ayuu waxuu noo sheegay in meesha qaraxa uu ka dhacay ay hay’adaha amaanka yimaadeen kana soo saareen bac lagu dhex qariyey waxyaabaha qarxa.

Waxaa dhacday in mudo bil ah ka dib ayaa waxaa aniga iyo saaxibaday noo yeeray Mudane Nuur Xasan Xuseen, (Nuur Cadde) oo waqtigaas ahaa xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Badbaadada, iyadoo uu nala socdey agaasime Maxamed Aadan xirsi (Teera)

Waxuu noo sheegay xeer ilaaliyaha in xafiiskiisa uu gacanta ku hayey arinteena iyadoo markii baaritaan uu sameeyeyna ay usoo baxday inaan wax dembi ah laheyn isla markaana nagula xad gudbay taasna uu naga raali gelinayo.

Saaxiibkey Wariye Axmed Kismaayo oo bur burkii ka dib mudo dheer u shaqeynayey laanta af soomaaliga ee idaacada BBC, ayaa mar ii sheegay inuu dalka Jabuuti kula kulmay Nuur Cadde oo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ah, isagoo uga mahad naqay sidii wanaagsaneyd ee uu maareeyey arinteenii waxuuna u sheegay in abaal aan uga hayno.

Sidoo kale anigu mar aan ka shaqeynayey idaacada VOA, ayaan Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaare Nuur Cadde, telka kula hadlay isagoo safiir ka ah dalka Talyaaniga waanan u mahad celiyey.

Agaasime Maxamed Aadan Xirsi Teera, saaxibaday Axmed Kismaayo iyo Cabdiraxmaan Sheekhdoon dhamaan waa geeriyoodeen Alle ha u wada naxariisto. Fiiro Gaar ah: Alle ha u naxariisto Axmed kismaayo waa ninka koofiyada sita, Sheekhdoona Alle ha u naxariisto waa ninka shaarka buluuga ah xiran.

FG: Insha Allaah dhacdooyin kale oo aan goob joog u ahaa intii aan ka shaqeynayey idaacada Raadiyo Muqdisho, sannadahii 80-meeyadii waan idinla wadaagi doonaa.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media