Pakistan oo war rasmi ah oo cusub kasoo saartay iibsiga dayuuradaha ATAK ee Turkiga

0

(Hadalsame) 08 Jan 2022 – Dalka Pakistan ayaa Jimcihii beeniyey warar ay qorayeen saxaafadda Turkiga qaarkood oo ku saabsan inay kansaleen heshiis ay ku iibsanayeen dayuuradaha weerarka ee qumaatiga u kaca ee Turki-sameega ah ee T129 ee sahanka taatikaysan iyo weerarka ee ATAK, iyagoo sharraxay in khalad loo fahmey hadalkii Maj. Gen. Babar Iftikhar oo todobaadkan sheegay inay u weecanayaan dhanka Shiinaha.

“Pakistan marnaba meesha kama saarin suurtagalnimada iibsiga dayuuradaha T-129 ATAK, warkaana waxaa si khaldan loogu dhisay saxaafadda, waana waxba kama jiraan” ayuu u dhignaa warka kasoo baxay ISPR.

Pakistan ayaa 2018 dalbaday 30 xabbo oo ah dayuuradaha T129 ee Sahanka Taatikaysan iyo Weerarka ee loo yaqaan ATAK, balse waxaa matoorkeeda iska leh LHTEC, oo ay ku midaysan yihiin British Rolls Royce iyo Honeywell oo iyadu Maraykan ah, iyadoo shirkadaha Maraykanka ay waajib ku tahay inay rukhsad ogolaansho ah kasoo qaataan DF Maraykanka marka ay wax iibinayaan.

Yeelkeede, TAI ayaa haatan ku jirta falanka inay samaysato matoor maxalli ah, iyadoo shirkadda TUSAŞ Engine Industries (TEI), u xil saartay samaynta matoor ah nooca TEI-TS1400, kaasoo sidoo kale la saari doono dayuuradda kale ee helakabtarka ah ee T625 ama Gökbey.

Hadalsame Media