Dayuurado sameeya kumannaan duullimaad iyagoo aan rakaab sidin & arrin YAAB leh oo ku khasbaysa!!

0

(Hadalsame) 07 Jan 2022 – Brussels Airlines ayaa la sheegayaa inay samaysay in ka badan 3,000 oo duullimaad oo bilaa rakaab ah jiilaalkan si ay uga badbaado in lagala noqdo rukhsadda degitaan iyo duulitaan ee garoomada waawayn ee Yurub, iyadoo weliba qaar badan qorshaysay ilaa dhamaadka Maarso.

Shirkadda iska leh ee Lufthansa Group, ayaa xaqiijisay in 18,000 ay guud ahaan sameeyeen marka lagu daro Lufthansa, kuwaasoo ay ku jiraan 3,000 oo duullimaad oo ay samaysay Brussels Airlines, oo ah calan-sidaha ugu wayn Belgium, sida uu faafiyey The Bulletin.

Lufthansa ayaa sidoo kale kansashay in ka baan 33,000 oo duullimaad taasoo ay ugu wacan tahay hoos u dhac dhanka dadka safraya ah oo uu sababay caabuq-sidaha Covid-19.

Sharciga Midowga Yurub ee hawada ayaa dhigaya in dayuuraddu ay xaq u leedahay rukhsadda degitaanka iyo duulista, haddii ay samayso ugu yaraan 80% ka mid duullimaadyadeeda.

Xeerkan ayaa la laalay markii uu meesha ugu daran gaarey faafaha coronavirus, balse dib ayaa loo dhaqangeliyey 50% gugii tegey, iyadoo bishan Diseembar uu Komishanka EU sheegay in 64% la gaarsiinayo inta u dhaxaysa Abriil-ilaa-Nofeembar oo ay sare u kacaan baahida duullimaadyadu, waana arrin ay walaac ka muujinayaan diyaaradaha oo ka mid ah meelaha uu sida xun dhirbaaxada dhaqaale ula helay Covid.

Hadalsame Media