Sweden oo ay fara ba’an ku hayaan dad soo qoraya dawooyin aan sax ahayn (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 05 Jan 2022 – Sannad kasta, in u dhaxaysa 150 iyo 200 xaaladood oo ah rajeetooyin si khaldan ama si aan anshaxa caafimaadka waafaqsanayn loo soo qoray ah ayaa soo gaara farmasiyada dalka, sida ku cad dib u eegis uu sameesay hilinka SVT.

Hay’addka Kormeerka Daryeelka & Caafimaadka ee IVO ayaa arrintan ku wadda baaritaanno bilo qaadan kara, balse inta ka horreeysa waxaa dhakhaatiirta la ogeysiiyay inay sii wadi karaan oo qura qoritaanka dawooyinka qayaxan ee la isla aqbalsan yahay.

Sannadkii hore, 202 kiis oo looga shakisan yahay in si aan nidaamka waafaqsanayn loo qoray ayaa laga soo sheegay farmashiyeyaasha dalka. Ururka iskaashatada farmashiyeyaasha Iswiidhan ee Sveriges Apoteksförening ayaana hadda ku baaqaya in hab-raacyada la adkeeyo, kormeerka la fududeeyo, islamarkaana la sameeyo baaritaan degdeg ah.

Fredrik Boström, madaxa ururka farmashiistayaasha Sweden ee Ururka iskaashatada farmashiyeyaasha Iswiidhan ee Sveriges Apoteksförening, ayaa sharraxaya in waxyaabaha ay ka shakiyeen ay ka mid tahay qofkii oo si ka deg deg badan sida dhici lahayd marka la raacayo nidaamka caadiga ah loogu soo qorayo dawooyin, ayna mararka qaar arkayaan rajeetooyin ama rasiidyo hore oo soo laalaabta ama dad kala duwan oo wata waraaqo ay ku dhigan yihiin dawooyin isku nooc ah, taasoo ah arrin haatan xallinteeda durba loo howlgalay, sida uu yiri.

Hadalsame Media