FASIRAAD: Maxaadan ogayn oo loola jeedaa micnaha dhabta ah ee ”AARAN JAAN?!”

0

(Hadalsame) 05 Jan 2022 – FASIRAAD: AARAN JAAN Maxay tahay?!

Aaran ama Qaan waxa la yiraahdaa nirgaha ama qurbacyada geela caano-deyska ah oo halihii dhalay marlabaad rimeen ama nirgo kale dhaleen. Da’ ahaan waa 3jir ilaa 5 jir.

Waa da’da geelu ugu hawl ama khatar badan yahay. Si sahlan bay u dhumaan ama u halaabaan, waayo, weli maskaxda waa ka carruur. Xilliga barwaaqada waa laacdamaan oo is eryadaan.

Marar badan bay qoorta ama addimada iska jejebshaan ama dhudhub iyo haadaan iska tuuraan.

Xilliga Abaarta uma adkaystaan oonka iyo gaajada oo iyagaa geela ugu hor bakhtiya ama cidla ku hadha oo bahal cunaa. Kolka ceelka la keeno , hormooyinka hore ayay kusoo yaacaan oo lama celcelin karo . Yuus iyo cuuc bay nafta ugu keenaan ragga waraabinaya, biyo badanna ma cabbaan oo waraabka xiga kuma simaan .

Sababtaas baa loogu heesaa:

Qaan qudhqudho yare wax ma qaadide

waxna ma qaddide haysasoo qubin oo qabaalka ha jebin).

Sababaha kor ku xusan iyo dhibaha badan ee lagu qabo baa geeljiruhu ugu yeedhaa; ” Qaan- jaan ama Aaran – Jaan”.

Dadka wixii dhaqankaas la mid ah baa iyana loogu magac daraa ama samiyaa.

Waxa Qoray: Maxamuud Hidiidaa

Hadalsame Media