Ma jiro qof ku fikiri kara in meesha sidaa u qoyan una cagaarani ay la degaan ku taallo (Ogow qorshaha sidaa looga dhigay)

0

(Hadalsame) 05 Jan 2022 – Marka aad Dubai-da casriga ah maqasho dabacyo dhaadheer oo ay ku jiraan kuwa dunidaba ugu dhaadheer waad soo gocanaysaa, balse waxa ugu dambeeya ee aad ka fikiri kartaa waa magaalo cagaaran oo qoyan.

Yeelkeede, Imaaraadka guud ahaan iyo gaar ahaan Maamul-goboleedka Imaaradda Dubai oo ka mid ah 2-da ugu waawayn 7 Imaaradood oo dalkaa ka jirta, ayaa muddaba soo waddey qorshe dhanka cimilada lagu wanaajinayo oo lagu sameeyey beero iyo jirdiinooyin cagaaran, meelo ay ku jiraan biyo macmal ah oo lagu qurxinayo iwm, si loo helo hab-nololeed caafimaad leh.

Magaaladan waxaa arrintaa u horseeday qorshe fogaan arag ah oo iskugu jira dhismaha magaalada iyo dejinta siyaasad degaan oo wax ku ool ah oo la yiraahdo Dubai 2040 Urban Master Plan – taasoo ujeedkeeda ugu wayni aanu dhismaha uun ahayne ay tahay in la dhiso xaafado cagaaran.

Halkan waxaannu ku haynaa 5-ta xaafadood ee cagaaran ee ay aadka u jecel yihiin qoysaska halkaa deggan iyo xirfadleeyda ka shaqaysa:

Waxaa ay xaafadahaasi kala yihiin Al Barari, xaafadda marka laga tago Jidka Shaikh Mohammed Bin Zayed ee loo socda Shaariqah lasii maryo ee Dubai Silicon Oasis, Sustainable City oo la dhisay 2015 kuna taalla Al Qudra Road, The Greens oo saaran Shaikh Zayed Road iyo ugu dambayn Jumeirah Golf Estates (JGE) oo xarigga laga jaray 2009-kii kuna fadhida 1,119 oo hektar oo dhul cagaaran ah.

Waxaa halkaa ka cad in haddii qorshe cadi jiro caadkana la dhisi karo, balse caqli xasilan iyo cilmi lagu kabay looga caano maali karo.

Hadalsame Media