Marka aad xumbo-badeedkan xeebta ku aragto iska jir inaad dhex gasho (Maxay yihiin kiimikooyinka ay ka dhashaan?)

0
TOPSHOT - A youth plays over foamy discharge, caused by pollutants, as it mixes with the surf at a beach in Chennai on November 29, 2019. (Photo by Arun SANKAR / AFP) (Photo by ARUN SANKAR/AFP via Getty Images)

(Hadalsame) 02 Jan 2021 – Waxaa saaka baraha bulshada iyo saxaafadda taqliidiga ahba qabsaday muuqaallada iyo sawirrada walxo xumbo u eg oo camimay xeebaha Muqdisho, gaar ahaan dhanka Liido oo ay dadku u dabaal tagaan.

Haddaba, ifafaalahan ayaan ahayn mid dunida ku cusub balse waxaa la isku hayaa sababta rasmiga ah ee dhalisa waxan oo loo yaqaan ”xumbo badeed” ama Sea Foam, marka cilmiyan loo eego.

Waxaa laga yaabaa in ay tahay alje (algae) dhintay ama noole kale oo baaba’ay, dufan milmay, cusbo, ama borotiinnada qaar. Kuwaasoo si aad ah u ruxmay isuguna qasmay, sida dabaysha iyo hirarkuba sameeyaan, sida ay qabto hay’adda Maamulka Badweynta iyo Cimilada Qaranka Maraykanka ee National Oceanic and Atmospheric Administration (NOAA).

Yeelkeede, sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal ka socda Machadka Teknolojiyadda Vienna, kuwaas oo u kuur-galay cilmi-baaristii hore ee xumbo-badeedka ee dib-u-eegista  Cilmi-baarista Biyaha ee 2011-kii, intooda badan waxay ka dhashaan ifafaale dabiici ah, sida ubaxyada phytoplankton, ama dhirta ku dhimatay gunta badda ama dhirta xitaa dhir-dhuleedka. Laakiin saamaynta bini’aadamku ayaa waxay kordhisaa arrimahaas.

“Bini’aadanku, marka ay biyaha ku shubaan nafaqooyinka, waxay ka sii dari kartaa arrintani,” ayuu yiri Matthew Reidenbach, oo ah saynisyahan degaanka ku xeel dheer oo ka tirsan Jaamacadda Virginia oo cilmi-baaristiisa ay ka mid tahay kala-baxa kiimikada ee xeebaha badaha, isagoo si gaar ah u dersey dhismaha dhul ahaaneed ee webiga New Delhi ee Yamuna River.

Xumbadu waxay sidoo kale noqon kartaa mid si gaar ah u dhexgala waqtiyada qaarkood ee sanadka, gaar ahaan meerto-nololeedka phytoplankton. (Marka uu plankton dhinto oo uu qurmo ubaxa wayn kaddib, taasi waxay dhalisaa xumbo wayn).

Xaaladda magaalada Chennai ee dalka Hindiya oo ah halka aad sawirradan ka aragtaan, Reidenbach waxa uu tuhunsan tahay in xumbadu ay ka kacdo isku-darka ubaxyada algae-kaas oo ka soo ururiya biyaha wasakhda iyo nafaqo-cufan iyo walxo kiimikaad oo sida saabuunta u baxaalli eg oo la falgala, iyadoo ay Guddiga Xakamaynta Wasakhowga Gobolka Tamil Nadu ay arrintan daraasadaynayaan muddo 3 sanadood ah, iyagoo qaaday muunado ama samballo xumbo ah.

Biyaha bulaacadaha ee ka jira magaalooyinka ay dadku si ka dhaqso badan u koreen balse aan lahayn kaabayaasha ku filan, sida Chennai ayaa iyaduna dhibaato wayn ah, sida uu qabo Pravakar Mishra, saynisyahan ka tirsan Xarunta Qaranka ee Cilmi baarista Xeebta Chennai.

Wuxuu AFP u sheegay in  kaliya 40% biyaha wasakhda ah ee Chennai, oo ah magaalo ay deggan yihiin dad lagu qiyaasay 10 illaa 11 milyan, si ku filan loo daweeyey. “Inta kale waxay ku qulqulaysaa badda, tanina waa waxa dhacaya oo ka dhalanaya,” ayuu yiri.

Habka ugu macquulsan ee looga hortagi karo xumbo-badeedka waa in la xaddido bullaacada, saabuunta, iyo qulqulka kale ee anthropogenic ee soo gelaya biyaha marka hore, Reidenbach ayaa isna qaba.

”Marka ay xumbo soo dhoobato xeebta, waa caqli badan tahay haddii aad ka fogaato. Sida buufin oo kale, marka ay goobooyinka ay ka samaysan tahay qarxaan, waxay sii daayaan gaas sun ah,” ayuu yiri Reidenbach. “Inta badan waa hawo, laakiin haddii goobooyinka ay ku jiraan kiimikooyin xunxun, waxay abuurtaa aerosol hawada soo gala.”Haraaga warshadaha iyo algae-ga sunta ah waxay sababi karaan dhibaatooyin u dhexeeya maqaar cuncun ilaa dhibaato xagga neefsiga ah.” ayuu raaciyey.

Aragti ahaan, waxaa suurtagal ah in la xaddido xumbo-badeedka iyadoo la hagaajinayo pH ee biyaha ama nadiifnimada biya: Biyaha caadiga ah ee aasaasiga ihi waxay aad ugu nugul yihiin xumbada marka loo eego biyaha aashitada leh.” ayuu ku dooday.

A man stands as foamy discharge, caused by pollutants, mix with surf at Marina beach in Chennai on December 1, 2019. (Photo by Arun SANKAR / AFP) (Photo by ARUN SANKAR/AFP via Getty Images)

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media