”Xaawo Taako waxay difaacaysey nin Talyaani ah oo iyada qabey!” – L’Italia Coloniale

0

(Hadalsame) 19 Dis 2021 – Talyaaniga markii uu ku jabay dagaalkii 2aad ee Dunida, dhulkii uu xukumayay ee Koofurta Soomaaliya waxaa ka qabdsaday Ingiriiska 1941-kii. Halkan ka akhri Wargayska L’Italia Coloniale oo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay: ”Xaawo Taako, geesiyadda Soomaaliyeed ee geeriyootey iyada oo badbaadinaysa qof Talyaani ah.”

Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaana ku isku qabsaday gacan ku heynta iyagoo u wada dacwooday UN-ka. Sidaa darteed ayeey UN- ka 21-Novembar-1949 qaraar tirsigiisu yahay 289 ku gaareen in gacan ku heynta dib loogu celiyo talyaaniga, si uu muddo 10 sano ah Koofurta Somalia xornimo u gaarsiiyo.

Ingiriisku kuma uusan qancin go’aankaa, wuuna ka gadooday isagoo maleegay Janaayo 1948 wax loogu magacdaray Xasuuqii Muqdisho una adeegsaday askar uu ka kala keenay Somaliland, kenya, New Zealand, Hindi iyo xubo SYL ka mid ah.

Waxaana askartaa lagu dhex milay bannaanbax la qabtay Janaayo 1948-kii iyadoo muraadka laga lahaa ahaa in la muujiyo in aan Talyaaniga Muqdisho laga rabin.

Maalinkaa waxaa la dilay 54 talyaani ah iyo 14 qof oo Soomaali ah, waxaana 14-kaa qayb ka ahaa Xaawo Taako oo aheyd Haweeneey u dhaxda nin Talyaani taraagle ah, taasoo ruuxdeedi ku waysay joojinta xasuuqaa iyo difaaca Talyaanigii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed ee halkaa lagu laayay.

Si kastaba, arrintan ayaa ah mid ay dood badani ka taagan tahay, iyadoo ay dadka qaar aaminsan yihiin inay Xaawo Taako ahayd halyeeyad qaranka u dhimatay, halka qaar kale is waydiinayaan cidda fallaarta ku dhufatay haddii ay safka Soomaalida ku jirtey iyo arrimo kale oo badan.

Waxaa Koobay: Cabdinuur Caanageel

Hadalsame Media